Kadib tallaabadii Mareykanka uu qaaday, RUUSHKA oo dalbaday shir deg deg ah

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho duqeymaha Mareykanka uu ku hayo kooxaha maleeshiyadka ah ee dowladda Iiraan ay taageerto.

Kooxaha uu Mareykanku beegsanayo ayuu fadhigoodu yahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo lala xiriirinayo in toddobaadkii hore ay askar Mareykan ah ku laayeen dalka Urdun.

“Waxaan kaliya dalbanay fadhi deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho khatarta nabadda iyo badbaadada ee ay abuureen weerarrada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Diblomaasiga Moscow ee Qaramada Midoobay, Dmitry Polyansky.

Ruushka oo xubin ka ah golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobey ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Iiraan oo Mareykanka ay ishayaan.

Dowladda Ukraine iyo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu isticmaalayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan laga leeyahay tan iyo bishii February ee sannadkii 2022-kii, xiligaas oo Ruushku uu soo bilaabay duulaanka uu ku hayo dalka Ukraine.

Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeeyay 85 bartilmaameed, isagoo ka jawaabaya  weerarkii askarta looga laayey Axadii hore, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo weerarkaas kadib soo hanjabay ayaa yiri “Haddii aad dhaawacdo qof Mareykan ah, waan ka jawaabi doonaa.”

Tiro dad ah ayaa ku dhintay duqeyn culus oo magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, halka dowladda Ciraaq ay sheegtay in ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanku ka geystay dalkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen 25 qof oo kale.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Iiraan ayaa sheegay si adag u cambaareeyay duqeymaha Mareykanka oo uu ku tilmaamay xadgudubyo ka dhan ah “madax bannaanida iyo xornimadi dhuleed” ee dalalka uu Mareykanku beegsaday.