Mareykanka ‘oo gacanta ku dhigay’ sarkaal Shabaab ah oo kasoo gudbay xadka Mexico

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Socdaalka iyo Dhaqan-Galinta Kastamada (ICE) ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgalo qaatay labo toddobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhana caruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka.

Howlgalada oo ka dhacay labaatan iyo shan magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah amaanka Maraykanka.

In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi caruur, dadka la qabtay waxaa ka mid ah qof Soomaali ah oo ay waaxdu Socdaalka Maraykanku ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab.

Ku simaha agaasimaha ahna ku-xigeenka ICE, Patrick J. Lechleitner, ayaa xaqiijiyey warar ay daabaceen warbaahinta Maraykanka qaarkood oo shaaca ka qaaday in argagaxiso ay ka soo talaabeen xadka Maraykanka bishii maarso ee sanadkii 2023-dii.

Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, afhayeenka ICE, Erin Bultje ayaa u sheegay warbahinta in qof Soomaali ah oo da’diiisu tahay 27 sano jir uu Maraykanka ka soo galay meel u dhow San Ysidro ee gobolka California laakin xiligaas wax baarid ah lama marin bartamihii Maarso.

“Waxaan rabaa inaan amaano shaqaalaheena sababtoo ah isla markii aan ogaanay taas – 48 saacadood gudahood – waa la qabtay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga ICE, Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay natiijo cajiib ah – marag u ah sida xirfada leh ,daacadda ah, iyo kartida shaqaalaheena,” ayuu yiri Patrick

Patrick waxaa weheliyey agaasimaha fulinta ee ICE, Daniel A. Bible markii uu saxaafada kula hadlayey xarunta Haya’dda ee ‘ICE’

Maraykanka ayaa la kulmay mowjado dadka magangalyo doon ah, kuwaas oo tiro badan oo ka mid ah ay ka galeen soohdimaha dhanka dhulka ee ay la wadaagto dalka Mexico.

Walaaca argagaxisada ee ka gudba xaduudaha waa mid ay muujiyeen haya’dda Socdaalka ee Maykanku, balse waxay sheegeen inay si taxadar leh ugu feejigan yihiin khatar walba oo lida ku ah ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka.

Dhanka kale, warbaahinta dalka Cost Rica ayaa sheegay inay hay’adaha ammaanka dalkaasi ay gacanta ku dhigeen nin Soomali ah oo lala xiriirnayo uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga Gudaha dalkaas aya sheegtay in la xiray ninkaas 30-kii bishii November ee sanadkii 2023-kii

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, ninkaas ayaa ku sugnaa aagga laga galo Xarunta Daryeelka Ku-meel-gaarka ah ee Dadka Muhaajiriinta ah (CATEM) ee koonfurta ee Costa Rica, oo qiyaastii 10 km u jirta xudduudda Panama.

Sidaas oo kale Cost Rica ayaa sheegtay in bishii April 2023-kii ay qabtay wiil uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Alshabaab.

Sanadkii 2017-kii, Haya’adaha ammaanka ee dalka Costa Rica ayaa xiray muwaadin Soomaaliyeed oo looga shakisan yahay “argagixiso caalami ah” kadib markii uu ka soo galay dalka Bartamaha Ameerika ee Panama, sida ay sheegtay wasaaradda amniga Costa Rica.

Mas’uuliyiinta Mareykanka “waxay xaqiijiyeen in qofka lagu eedeynayo inuu xiriir la leeyahay ururada argagixisada caalamiga ah, waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo sii hayo si uu u bilaabo baaritaanka kiiska,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa tuhmanaha ku sheegay 25-jir kasoo galay dalka magaalada xuduudda ku taalla ee Paso Canoas, oo 358 kiiloomitir (222 mayl) koonfur ka xigta caasimadda.