Nairobi (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay madaxweynaha Soomaaliya,in uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga iyo xubno uu hoggaaminaayo lagu waday in ay ka qaybgalaan xuska 50-sanno guurada ka soo wareegatay Kenya markii ay xorriyadda ka qaatay Ingiriiska.
Madaxweynaha oo lagu waday in uu galabta ka ambabaxo magaalada Muqdisho, ayaa safarkaas ka baaqday waxaana booskiisa uu u ku bedalay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo caawa gaaray Nairobi sida ay noo sheegeen ilo ku sugan garoonka Joma Kenyatta ee Nairobi.
Maxaa sabab u ah madaxweynaha in uu ka baaqdo xafladda oo lagu casuumay?
Qorshuhu wuxuu ahaa Xasan Sheekh in uu ka qaybgalo xuska sannad guuradii ka soo wareegtay markii xoriyadda ay qaadatay Kenya, balse waxaa dib u dhigay iyadoo madaxweynaha uu ku howlan yahay soo magacaabista raysal wasaaraha cusub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu la kulmay ku dhawaad 20 qof oo doonayay in ay buuxiyaan booska uu baneenayo raysal wasaare Saacid., balse waxaa hadda isugu soo haray booskaas seddax musharax oo kala ah Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo horay xilal uga soo qabtay dawladihii KMG ah ee Soomaaliya iyo Maxamuud Xaaji Xassan oo kamid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida muddo dheerna ku noolaa dalka Maraykanka.
Si kastaba, warka weyn oo Soomaalidu sugaysaa waa in ay maqlaan magaca qofka madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiiibo xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]