Maxaa ugu wacan in DFS ay dib uga shakiso Shirkada laga leeyahay Turkiga?

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dib u eegis ay ku sameyneyso qaabka ay u shaqeeyan shirkadaha gacanta ku haya maamulka Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde.

Dib u eegista lagu sameynaayo shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak ayaa waxa ay la xiriirtaa shaki ka dhashay dhaqaalaha kasoo xarooda Garoonka iyo Dekadda kuwaasi oo hoos u dhac ballaaran laga dareemaayo.

Maxamed Aadan Fargeeti oo ah Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Somalia ayaa sheegay in heshiisyadii lala galay Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak dib u eegis lagu sameyn doono, isla markaana ay miiska saaran yihiin.

”Heshiiska aan la galnay oo qoraal ah ayaa miiska saaran, labada shirkadoodna dib u eegis ayaan lagu sameynayaa”

Wasiir Fargeeti waxa uu sheegay in ay rumeysan yihiin dhaqaalaha ka soo xarooda Garoonka Diyaaradaha inta badan in ay qaadato Shirkada Favori.

Saraakiisha liijaanka u haya shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak, ayaa lagu tuhmayaa inay jeebka gishtaan dhaqaale aad u xoogan oo kasoo kala xorooda Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waana sababta ugu badan oo ay dowlada Somalia uga shakisan tahay labadaasi shirkadood.

Shirkadda Favori ayaa bishii September ee sanadkii 2013 la wareegtay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde, iyadoo xilligaas kala wareegtay maamulka Garoonka Shirkadda SKY oo muddo saddex sano maamuleysay garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com