Daawo sawirro yaab leh oo laga soo qaaday sida sahlan garoonka Boosaaso looga dhuunto

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa ka howlgala dekadda Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay alaab kala duwan oo si tuuganimo ah looga saari lahaa Dekadda iyadoo aan la bixin lacagihii canshuurta ahaa.

Alaabtaani ayaa waxa uu ujeedku ahaa in lala baalmaro sharciga Canshuuraha Puntland, waxaana wakhti danbe lagu soo baraarugay Alaabta oo qeybo kamid ah laga saaraayo Dekadda.

Taliyaha ilaalada dekedda Boosaaso Axmed Cali Xaashi, ayaa sheegay in talaabadaani ay tahay mid lagu xatooyadeynaayo Canshuurta maamulka.

Waxa uu sheegay in falkaasi loo qabtay labo qof oo alaabtaan la doonayay in lagala baxsado canshuurta, kuwaasi oo xabsiga loo taxaabay.

Alaabtaan oo ka kooban 200 kartoon bacaha madow ee wax lagu rito iyo 45 kartoon oo lagu soo qariyay raadiyeyaal, saacado, uunsi iyo alaabo kale.
alaab-dekad-bosaso-2

alaab-dekad-bosaso-1

alaab-dekad-bosaso-3

alaab-dekad-bosaso-4

alaab-dekad-bosaso-5

alaab-dekad-bosaso-6

alaab-dekad-bosaso-7