Sawirro: Somalia oo ay ka socoto carruur xadista iyo caruur la xaday oo maanta lagu qabtay…

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska qeybta booliska gobalka Bari ee Puntland-Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay saddex carruur ah oo la sheegay in laga soo xaday walidiintooda.

Carruurtan ayaa isugu jiray labo gabdhood oo jira min hal sano iyo wiil jira seddex sano, waxaana si wada jir ah warbaahinta ugu soo bandhigay gudoomiye ku xigeenka gobalka Bari, ku xigeenka duqa degmada Bosaso iyo taliye ku xigeenka qaybta gobalka Bari .

 Axmad Cabdullaahi Cirro gudoomiye ku xigeenka gobolka ayaa sheegay in carruurtan saldhiga ay so gaarsiisay mid ka mid ah haweenka magaalada Bosaso, si waalidkooda loogu raadiyo.

..Qof dumar ah ayaa inoo keentay oo ka soo dhigtay shaqsiyaad soo xaday carruurtan waxaana ka codsanaynaa ciddi aqoon u leh carruurtan in ay nala soo xiriiraan si waalidkooda loogu wareejiyo ayuu yiri Axmad Cabdullaahi Cirro gudoomiye ku xigeenka gobolka.

Ma ah wax cusub in magaalada Bosaso lagu soo bandhigo carruur waalidkooda laga soo xaday, waxaana carruurta inta badan laga soo xadaa gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

xad1xad2xad3

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com