Document sir ah: Sacuudiga oo ku taageeray Kenya arrinta badda iyo in 5 loo qeybiyo Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegashada qeybo ka mid ah badda Somalia waxay taageero uga haleysaa dal carbeed oo islaam ah.

Sida lagu helay xog soo dustay dowlada Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka Kenya ka caawinaya in ay ku guuleystaan sidii Somalia uga fara maroojis lahaayeen xaduud badeed Somalia leedahay.

Caasimada Online ayaa si qarsoodi ah u heshay farriin uu waqti sii horeysay diray safiirkii hore ee Sacuudiga ee dalka Ethiopia Axmed Bin Cabdul Caziz, kuna socotay wasaaradda arrimaha dibada Sacuudi Carabiya iyo boqortooyada.

Warqadda ayaa waxaa ku qoran codsi ah in Kenya laga caawiyo sidii ay ugu guuleysan laheyd wax ay ku sheegeen muran badeed kala dhaxeeya Somalia iyaga oo eeganaya danta Sacuudi Carabiya ugu jirta arrintaas.

Sidoo kale warqadaas ayaa qeexeysay in kala qeybinta Somalia loo adeegsado dalka Itoobiya, ayada oo shan maamul goboleed laga dhigayo Soomaaliya, taasi oo u muuqata mid lagu guuleystay.

Warqadaas ayaa sidaan qorneyd:-

“Waxaa qasab nagu in aan la shaqeyno Kenya kana caawinno sidii ay ugu guuleysan lahyd muran badeedka Somalia kala dhaxeeya anagaa oo ka eegeyna maslaxadeena.

In Somalia loo qaybiyo 5 gobol iyadoo aan ogsoonannahay in Soomaalida aysan ka soo hor jeedin fikradda federaalka, sidaa darteed arintaasna waa in aan kala shaqeynaa Itoobiya”.

Warqadda ayaa ku saxiixan 10/01/2012-ki.

whatsapp-image-2016-09-24-at-5-10-56-pm

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com