Shirkadda Facebook oo dagaal cusub ku billowday Falastiiniyiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada Faceboog ayaa qaaday tallaabo lagula dagaalamaayo Muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Falastiin, gaar ahaan kuwooda ku howlan shaqooyinka Saxaafadda.

Shirkadda ayaa isticmaalka aaladda Facebook ka xirtay Tafatirayaasha laba ka mid warbaahinada Falastiin, kuwaasi oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee looga xiray Facebook.

Tafatirayaasha laga xiray aaladooda Facebooga, ayaa waxaa la sheegay in si weyn ay uga warami jireen Siyaasada ay tiigsaneyso Falastiin iyo qoraalo ku saleysan Isticmaar ay sheegi jireen inay ku heyso dowlada Isra’el.

Tafatirayaasha laga xiray Faceboogooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Nisreen al-Khatib oo ah turjumaan wargeys iyo Saxafi kale oo ka tirsan News Quds Network.

Tafatirayaasha oo u waramaayay Telefashinka Al Jazeera, ayaa sheegay in xiritaanka akoontiyadooda facebuuga uu yahay mid xiriir la leh faragalinta dowlada Isra’el ee arrimaha Falastiin.

Dowlada Isra’il oo miisaan ku dhex leh dhulka Daanta Galbeed, ayaa wada qorshooyin ay indhaha ku tireyso dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Falastiin ee isla dalkaasi kasoo jeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com