Maxaa wariye Cawil Daahir Salaad lagu xusuustaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray.

Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta.

Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray.

Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban.

Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan.

Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay.

Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso.

Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 45-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com