Maxaa xalay ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyahanada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale.

Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa si uu guddoomiyaha gobolka Banaadir qeybaha kala duwan ee bulshada uga dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta caasimadda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira maamul wanaaga, amniga, nadaafada, caafimaadka, waxbarashada, dib u eegista adeegyada ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an iyo ilaalinta dhulalka danta guud.

Sidoo kale waxaa kulan kagu soo bandhigay xal u helida maareynta biyaha, dhismaha waddooyinka, hirgelinta nidaamka doorashooyinka dadweyne iyo xoojinta la-dagaalanka musuqa.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay caawa soo gudbiyeen dhallinyarada iyo aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada caasimadda.

Waxa uuna ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa magaalooyinka kale ee dunida.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.