Maxaa xigaya kadib soo afjarista howlgalkii HIIRAAN?

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa lasoo afjaray howl-galkii balaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan sida uu warbaahinta dowladda ka shaaciyay Taliyaha ciidamada dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi.

Inta uu socday howl-galkaan oo loogu magac daray Waabari 2 ayaa waxa lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buulo-burte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.

Haddaba, Maxaa xigaya soo afjarista howl-galka Hiiraan?

Taliyaha ciidanka xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay sii balaariyaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Odowaa ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howl-galada qeyb ka noqdaan shacabka ku nool deegaanada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab ay qeyb ka noqdaan dagaalka.

“Ma jirto umad helaysa nabad iyada oo aan bixin dhiigeeda, majirto umad helaysa Xorriyad iyo nolol wanaagsan iyada oo aanay u bixin qaybo kamid ah bulshadeeda naftooda iyo weliba dhiigooda, waxa aan rabaa in aan guud ahaan idin kaga mahad-celiyo howsha qaranka aad u haysaan oo xaqiiqatan afka kuma soo koobi karno waxyaabaha qalbiyadeena ku jira,” ayuu yiri General Odowaa.

Sidoo kale wuxuu ciidamada dagaalka ku jira ka codsaday inay u dulqaataan xaaladaha kala duwan oo ay la kulmayaan inta ay ku guda-jiraan howl-galada, isaga oo ku dardaaray inay sii kordhiyaan howl-galadooda.

“Midka aad kasoo dulqaadeen cadowga wuu ku faraxsan yahay, midka dhimana waxa uu rajeynayaa in aad ka dulqaadaan, mana dareemayo wax xorriyad ah ama nolol ah inta ay dulsaaran yihiin nimankaan Argagixisada ah.”

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa qeyb ka ah masuuliyiin ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaasi oo la kulmay askarta iyo saraakiisha hogaamineysa howl-galada.