Qardho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in maanta ay ka baxsadeen laba kamid ah maxaabiista ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaaladaas, kuwaas oo ku xukunnaa dil toogasho ah.
Ilo wareedyo amni oo xaqiijiyay baxsashada maxaabiista ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogayn habka ay ku fakadeen labada maxbuus iyo haddii ay jirto cid u fududeysay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan baaritaanno wadaan laamaha ammaanka Puntland, waxaana la xiray qaar kamid ah ilaaladii ku sugnaa xabsiga Qardho ee ay ku xirnaayeen maxaabiista baxsaday oo toogasho uun ku sugaayay halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale hadal haya arrintan, waxayna sheegeen inay cabsi ku beertay baxsashada maxaabiista, maadaama ay halis ku ahaayeen amniga deegaanka, horayna loo xukumay.
Dhank kale, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxda Puntland iyo hay’adaha amniga oo ku aadan maxaabiista saaka ka fakaday xabsiga wayn ee magaalada Qardho.
Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana maxaabiis ku xukunaa dil oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish ay ka baxsadeen xabsiyada Boosaaso iyo Gaalkacyo ee maamul-goboleedka Puntland, inkastoo markii dambe dib loo soo qabtay maxaabiista baxsatay.
Maxaabiistaas waxaa kamid ahaa Cabdiqani Saleeban Jaamac (Sayloor) oo maalmo kahor laga qabtay aagga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, wuxuuna kamid ahaa shabakad ka tirsaneyd Al-Shabaab oo u qaabilsanaa madax jabiska waqooyiga magaalada Gaalkacyo.