25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Maxaabiis sheegtay in Sacuudigu dilayo Ciidda Carafo oo kaalmo dalbanaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Qoysaska dad Itoobiyaan ah oo dil ay ku xukuntay dowladda Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u sheegay in eheladooda la daldali doono ka hor Ciidda Carrafo oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Waxaa Sacuudiga ku xiran 47 qof oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo dil sugeyaal ah, taas oo welwel joogto ah ku haya qoysaskooda, dadkaan dowladooda ugu baaqay in ay arrinta dadkaas soo farageliso, si dilka looga bedbaadiyo.

Sidaan oo kale waxaa Sacuudiga ugu xiran oo dil sugayaal ah muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo loo heysto inay dalkaas geliyeen daroogo.

In ka badan 40 qof oo Soomaali ah oo dil ku xukuman ayaa ku xiran Sacuudiga, inkastoo aan la shaacin goorta la dilayo.

Hal qof oo kamid ah ayaa la dilay bilihii lasoo dhaafay, waxaana guul dareystay dadaalo weli socda oo dowladda Soomaaliya ay sameysay.

Sacuudiga ayaa dil ku fuliya qofkii dalkaas geliya daroogo, inta badan waxaa dadka lagu dilaa xarig ama daldalaad.

Dadka Itoobiyaanka ah ee dilka sugaya waxaa ka mid ah Khaalid Maxamed Ibroo, walaalkiis Mulleta oo BBC la hadlay ayaa yiri, “Khaalid waa nin xaasle ah. Wuxuu leeyahay hal cunug. Waxaa la xiray wax yar ka dib markii uu galay Sacuudiga, si uu nolol ugu raadiyo qoyskiisa, arrintiisa ayaa saameyn adag ku yeelatay xaasikiisa iyo curadiisa.”

Mulleta wuxuu sheegay in markii uu maqlay warka la xiriira xukunka lagu ridey walaalkiis uu qarracan ku noqday, isla markaana uusan weli ka soo kaban tiiraanyadii ka soo gaartey go’aanka dilka.

- Advertisement -

Read more

Local News