Maxaabiistii Beladweyne ku xiran oo ay DAADAD ugu galeen xabsiyada (Warbixin)

Beledweyne (Caasimada Online) – Tobaneeyo kamid ah maxaabiista magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo ay ka dhaxleen fatahaadda wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka hiiraan.

Maxaabiistaan ayaa shalay waxaa xabsiyada ugu galay biyo xoog leh kuwaas oo la sheegay in ay baabi’iyeen inta badan xabsiga dhexe ee Beladweyne iyadoo si dhib yar looga badbaadiyay maxaabiistii xabsiga ku jirtay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.

“Aniga waxaa iiga xiran walaalkeey maalmahaan dhan waxaan u sheegeynay saraakiisha ciidamada in wiilasha meesha laga saaro laakiin waana diideen haddane waxaa qaaday biyihii oo si dhib leh looga soo badbaadiyay” ayey tiri haweeney ka tirsan dadka ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Maxaabiista ayaa hadda lagu hayaa saldhig ay dagan yihiin ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku yaalo gobalka Hiiraan.

Magaalada ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka jiro dhibaatooyin ballaaran oo ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle kuwaas oo saameeyay guud ahaan dadkii ku noolaa magaalada oo isugu jira nuucyada bulshada ka kooban tahay.

Sidoo kale fatahaaduhu ma saameeniin oo kaliya xabsigii Beladweyne balse waxay sidoo kale galeen xaruntii gobalka iyo xarumo kale oo muhiiim ah oo ka tirsan Beladweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.ocm