26.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Maxaad ka ogtahay habka loo marayo soo deynta Soomaalida ku xiran India

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo kamid ah mas’uuliyiinta ay dowlada Federaalka Somalia u dirtay magaalada New Delhi ee dalka India ayaa ka hadlay dadaalka ay dowlada ugu jirto deysmaha Maxaabiista.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in labda dal ay isaga soo dhawaaden heerkii uu taagnaan jiray xiriirkooda isla markaana ay iminka kawada shaqeynayaan sida ay u dhexmari laheyd xiriir wanaag.

Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in heshiiska ay la gaaren dowlada India uu ahaa heshiis isdhaafsi kaas oo ku aadan in Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas loo soo wareejiyo Somalia hadii ay jiraan kuwa India u dhashayna iyana lagu wareejiyo.

Waxa uu Xeer ilaaliyaha sheegay inaanu jirin cabsi ku aadan in dowlada India ay ka laabato Heshiiska, iyadoo dhammaan Maxaabiista dib loogu soo celin doono Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Xeer ilaaliyaha waxa uu intaa kusii daray in dowlada Federaalka ay diyaarisay goobo loogu tallo galay Maxaabiista waxa uuna carab dhabay in Maxaabiista dib loogu sameyn doono baaritaan si loo xaqiijiyo danbiyadiisa.

Maxaabiista ayuu sheegay in laba Isbuuc gudahood ay dowladda India Xukun ku riddi doonto si Soomaaliya loogu soo wareejiyo iyagoo xukuman, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Heshiiska labada dal uu noqon doono mid sii shaqeyn doona, iyadoo dowlada Federaalka ay India ka saacidi doonto u gacan galinta shaqaalaha looga qafaasho xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta dowlada ee ku sugan magaalada New delhi ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah ay booqdan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Maxaabiista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News