BF oo maanta go’aan ka gaaraya wasiir Xoosh, maxaase xalay ka socday Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoonka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa Xildhibaanada xubnaha ka ah baarlamaanka ku wargaliyay in maanta oo Arbaca ah ay isugu yimaadan kulankooda caadiga ahaa kaa oo ka duwanaan doona kulamadii hore.

Fariimaha loo kala diray Xildhibaanada ayaa u qornaa ”Mudane Xildhibane Tr. 02/08/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira kulanka guud ee golaha shacabka. Ajendaha: ka doodista iyo go’aan ka gaarista Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaad usoo xaadireysaan”.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in kulanka maanta ay go’aan uga gaaran Kiiska Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Muranka u dhaxeeya Wasir xoosh iyo Xildhibaanada ayaa xoogeystay wixii ka danbeeyay Axadii la soo dhaafay kadib markii Wasiir Xoosh uu ka cudur daartay u yeeristii Baarlamaanka, waxa ayna dalbadeen in dib u eegis lagu sameeya xilka uu hayo Xoosh.

Guddiga Joogtada ayaa la filayay inay go’aan ka gaaraan Arrinta Wasiirka, inkastoo go’aan ka gaaristiisa ay soo hordhigeen kulanka Guud ee Golaha shacabka oo maanta looga doodi doono.

Wasiir Xoosh ayaa xilligan ka maqan dalka, oo uu safar caafimaad u aaday dalka dibaddiisa, xili Xildhibaanada la filaayo in maanta ay go’aan ka gaaran Wasiirka.

Hoteelada magaalada MUqdisho, ayaa waxaa xalay oo idil ka socday dadaallo ay wadaan xildhibaano taageeran Xoosh Jabriil, oo doonayey inay codad u raadiyaan wasiirka si loo bad-baadiyo xilkiisa.

Waxaa sidoo kale socday dhaqaalo iyo lacag la siinayey xildhibaanada qaar, inkasta oo aan la ogeyn halka wasiirka uu dhaqaalahaas ka helay ama cidda gacanta ku siineysa inuu badbaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com