Aqriso: Lacagta miisaaniyada DF looga qondeeyey xafiisyada madaxweynaha iyo R/W

Muqdisho (Caasimada Online) – Miisaaniyadda dowladda federaalka ee hortaalla baarlamanka ayaa muuqaal guud ka bixineysaa qarashka ku baxaya madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo labaduba ah hay’adda fulinta.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa u muuqda mid ka qarash badan kan madaxweynaha, waxaana xusid mudan in lacagta loo qoondeeyey aysan qeyb ka ahayn tan golaha wasiirada.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa soo qortay miisaaniyad sanadeed oo dhan 5,521,482, halka xafiiska madaxweynaha miisaaniyad sanadeedkiisu yahay 4,744,797, taasi oo ku dhowaad hal milyan oo dollar ka yar xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Miisaaniyaddan ayaa dadka Soomaaliyeed muuqaal guud ka siineysa halka ay ku baxeyso lacagta dowladda, oo in badan oo ka mid ah sanadkan la filayo in ay gudaha kasoo xarooto, ayada qeybna laga filayo dalalka taageera Soomaaliya.

Haddaba hoos ka arag miisaaniyadda xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com