29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Maxaad ka ogtahay hadalka Cali Khaliif Galaydh ee maanta rumoobay? + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxa sanado kadib rumoobay hadal maanta dhab noqday oo uu horay u yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd, marna soo noqday Madaxweynihii Khaatumo, Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo halgan dheer usoo galay maamulka maanta loo dhisayo gobollada waqooyi.

Cali Khaliif oo geeriyooday horraantii October ee 2020-kiii ayaa horay u sheegay inay mar uun isku imaan doonaan SSC-Khaatumo iyo Maakhir, hadalkaas oo ugu dambeyn maanta rumoobay, maadaama uu shalay si rasmi ah ugu furmay labada maamul shir ay ku dhameystirayaan dawlad-goboleed rasmi ah oo ay yeeshaan gobollada Sool iyo Sanaag.

Galaydh ayaa xilligaas sii saadaaliyay in aysan jiri doonin cid hor istaagi karta inay shiraan labada dhinac, taasoo maanta dhacday, wuxuuna noqday hadal dhab ah oo taariikhda galay.

Waxaa kale oo uu xilligaas yiri “In ay sameysan doonaan maamul gooni ah oo ka madax bannaan Somailand iyo Puntland,” taas oo hadda loo fadhiyo, maadaama la dhameystirayo dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo ay aqoonsi buuxa siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ciddii maanta tiraahda Maakhir iyo Khaatumo ma shiri karaan waa beentood, Ilaahow ay nagu kalifto doon dusheeda ama buuraha korkooda inaan ku shirno waa shireynaa maamulka yagana waa sameysaneynaa ee reer Maakhirna howshooda way soo dhameysanayaan anagana waxba dhulka nagama yaalliin,” ayuu horay u yiri Cali Khaliif.

Shirka hadda loo fadhiyo ee ka socda Laascaanood ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso maamul ay ku mideysan yihiin dadka Sool iyo Sanaag, waxaana taageereyso Villa Somalia.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaannada SSC lagu gaari karo oo keliya in la helo dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqda nidaamka federaalka JFS,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Xoosh oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ka socda Laascaanood.

Shirkan oo ah mid xasaas ah ayaa waxaa lagu dhameystiri doonaa maamulka SSC-khaatumo, iyadoo dhinacyadu ay dood adag ka yeelan doonaan magaca cusub ee maamulkan uu qaadan doono, maadaama lagu soo biirinayo gobolka Sanaag.

Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa dowladda federaalka, oo u aragta mid xoojineysa midnimada dalka.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News