27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Maxaad ka ogtahay kaalinta Soomaaliya ay ku laheyd xornimada Jabuuti?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Jabuuti waxay xorriyaddeeda ku hanatay 27-kii Juun 1977, balse waddada ay ku gaartay madax-bannaanidaasi ma ahayn mid fudud. Halgan adag iyo taageero dibadda ah ayaa saldhig u ahaa guushaas, iyadoo Soomaaliya ay kaalmo muhiim ah ka geysatay sidii walaalaheeda Jabuuti ay u heli lahaayeen gobannimo buuxda.

Markii ay Soomaaliya xorowday 1960-kii, waxay isla markiiba u aragtay in Jabuuti ay tahay qeyb aan ka maqnayn dhulka Soomaaliyeed. Aragtidan ayaa horseedday in dowladdii Soomaaliyeed ay si buuxda u garab istaagto shacabka Jabuuti, iyadoo taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeedba si joogto ah u fidisay.

Xilligii aftida Faransiisku qabtay sanadihii 1958 iyo 1967, Soomaaliya waxay si weyn uga hor timid natiijooyinkii la shaaciyay, iyadoo sheegtay in codka shacabka Jabuuti la musuqay.

Warbaahinta Soomaaliyeed waxay xilligaas noqotay mid afhayeen u ah dadka Jabuuti, waxayna arrintooda gaarsiisay fagaarayaal caalami ah.

Sanadihii 1970-meeyadii, diblomaasiyadda Soomaaliya waxay ahayd mid firfircoon, waxaana si joogto ah looga hadli jiray qaddiyadda Jabuuti fadhiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Soomaaliya waxay dadaal badan ku bixisay in beesha caalamka ay aqbasho xaqa shacabka Jabbuuti ee madax-bannaanida.

Markii ugu dambeysay, 27-kii Juun 1977, Jabuuti waxay noqotay dal xor ah. Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahayd goobihii ugu horreeyay ee si weyn looga dabaaldegay maalintaasi taariikhiga ah.

Calanka Soomaaliya waxaa lala taagay calanka Jabuuti, taas oo muujisay xiriirka aan go’nayn ee labada shacab.

Soomaaliya ma aysan joojin taageeradii ay u fidinaysay walaalaheeda Jabuuti xitaa markii ay madax-bannaanideeda heshay. Labada dal waxay noqdeen laba dowladood oo walaalo ah, kuwaas oo mar walba isku garab taagan xilliyada muhiimka ah ee noloshooda siyaasadeed iyo midda bulsheedba.

- Advertisement -

Read more

Local News