Maxaad ka ogtahay wixii uu Farmaajo qabtay isaga oo aan weli degin Villa Somalia?

Arbacadii aynu dhaafnay ee bishu ay ku beegneyd 8 February waxay ahayd maalin taariikh leh oo xusid mudan, Maalintaas magaalada wax isku socod ma aysan jirin hawada Dalka Soomaalioya waxay ahayd mid gaba ahaanba xiran.

Waxaa tartan doorasho galayay ku dhowaad labaatan musharax oo mid walba maanka ku hayay inuu mar uun fadhiisto kursiga looga ariminayo Soomaaliya, ugu danbeeyn waxay guusha raacday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dad badan ay si aad ah uso dhoweeyeen inuu madaxweyne noqdo.

Hadaba maalintaas waxaa haatan laga joogaa mudo isbuuc oo kaamil ah, waxaan rabaa in aan halkaan ku soo bandhigo wax yaabaha uu ka shaqeeyay madaxweyne Farmaajo isagoo weli aan la caleema saarin, Farmaajo maalintii la doortay maalintii xigtray waxa uu la kulmay saraakiisha ciidanka malateriga, kuwa police nabad sugidda waxa uuna saraaksiha ku wargaliyay in ciidanka debadda loo saaro wixii malateri ah.

Sidoo kale waxa uu amray in si deg deg ah loo caawiyo abaaraha dalka ka jiro oo sanduuq loo furo kaasoo durba laga soo jawaabay, waxaa kaloo jirtay inuu la kulmay jaamacada carabta kuwaasoo wax badan oo dalka dan u ah kala hadlay.

Arinta ugu muhiim san ee uu qabtay isbuucan Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd maalmihii la doortay in sarifka dollar uu hoos usoo dhacay taasoo aan la garan waxa u sabab ahaa balse uu ganacsatada waaweyn u yeeray kuna amray in sidiisi lagu soo celiyo sarifka waana laga ajiibay.

Farmaajo waxa uu la kulmay dhalinyaro kuwii reer Muqdisho waxa uuna wax ka weydiiyay xaalada hada iyo sidii dhalinyarada wax ugu badali lahaayeen, waxaa kaloo uu la kulmay qaar ka mid ah shaqaalaha rayid ee dekeda Muqdisho ka xoogsan jiray kuwaasoo mudo aysan dekedda ka xamaalan maadaama laga eryay.

Dhanka kale waxaa uu la kulmay agaasimihii bankiga waxa uuna kala hadlay inaan wax lacag ah laga saarin bankiga lana illaaliyo amaanada shacabka, maadaama uu balan qaaday arintaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxyaabaha isbuucaan uu qabtay waxaa ka mid ahaa inuu sarkaal ka tirsan saadaasha hawada soomaaliya uu kala shiray sidii Soomaaliya looga maamuli lahaa Maamulada Diyaaradaha Hawada & saadasha meel wanaagsan ayeeyna mareysaa iminka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si kumeel gaar u degan Hotel Jazeera kaasoo uu howlihiisa ku qabsado, waxaan lagu wadaa in la caleema saaro arbacada danbe 22 bishan.

Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaahjo ayaa laga soo dhoweeyay Aduunka oo dhan waxaana looga fadhiyaa caleemasaarkiisa ka dib inuu qabto howlo fara badan taasoo u horeeyso soo dhisidda xukuumad tayo leh.

W/D Asad Abukar Ali Asad Dhayow
Email asaddhayow@gmail.com