Xilliga Isbedelka madaxda DF iyo musuqa dadban ee shaqaalaysiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa Dhaqan Tusmo xun ku jiheysan marka Madax cusub la soo doorto in si joogto ah loo arko inay la hawl bilaabaan dad isugu jira ehal, Jaal iyo Dan-yaqaan iyaga u nugul.

Waana hubaal in Jiil-ka-jiil, Madaxweyne-ka-madaxweyne kale, Wasiir ilaa Wasiir kale marka la gaaro Isbedelka Madaxda Dowladda in lagu jahwareero ama lala amakaago Duufaanta Isbedelkaasi.

Waxa uu inta badan daadku qaadaa Hawlwadeennadda iyo Shaqaalaha Xafiisyadda Madaxda Sare iyo in dhalan-rog lagu sameeyo Mas’uuliyiinta Wasaaradaha, Xafiisyadda, Talisyadda Ciiddamadda Qaranka ilaa Shaqaalaha caadiga ee Hay’addaha Dowladda.

Ololaha noocaasi ee Kala-haadinta ayaana la qirsan yahay inuu saamayn ku yeesho Hawlwadeeno badan oo Khibrad Maamul iyo Waayo-aragnimo leh, iyadoo Mas’uul kasta tallaabadiisa ugu horreyso tahay inuu wax ka beddelo Naqshadda Xafiiskiisa, Wasaaradiisa ama Hay’addaha kale, waxaana inta badan Shaqaalaha horey u shaqeyn jirey ee loogu yimid Xarumahaasi loo sheegaa inay ilmahooda u soo xiirtaan.

Madasha ugu sarreeysa ee laga maamulo Talada Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaana gaagaxa ugu daran laga dheehan karaa, waana Dhaqan la jiheystay haddii uu Madaxweynaha xilka ka degayo inay shaqaale badan la sii degtaan iyo inuu Madaxweynaha Cusub la yimaado shaqaale kale.

Sidaas oo kale, haddii Madaxweyne cusub uu xilka la wareego waxaa hubaal inay Hawlwadeeno Wejiyo cusub leh (Rayid iyo Ciiddan) kala hawl bilaabaan Villa Somalia, wxayna Arrintan noqotaa sidii Daadba daadkii ka weynaa la duulaa oo kale.

Hab-dhaqanka noocaasi ma aha mid Curdan ah, waana Nidaam Soo-jireen ahaa tan iyo markii la unkay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Madaxda Qaranka ayaa waxaa la gudboon inay dareen iyo garasho dheer u yeeshaan in Shaashadda Waxqabadkooda laga dheehan karo haddii ay Shaqaalaha ka hawlgala Xarumaha iyo Xafiisyadda Hay’adaha Dowladda ka saaraan Daaqada.

Madaxda Qaranka waxaa la gudboon inay La-dagaalanka Musuqa ka bilaabaan Xafiisyadooda iyo inaysan musuq kula kicin Shaqaalaha hadda shaqeeya, illayn waa nooc ka mid ah Musuqa haddii aad Shaqaale sabab la’aan u cayriso, kuna bedesho shaqaale aad qaabka musuqa dadban ku hawl-geliso, una qorto Mushaar sifo musuq xambaarsan.

Waana inuu Mas’uul kasta ka fekeraa Marxalladda Adag ee dhinaca shaqada ee ka jirta dalka, si aysan xaalladda ugu muuqaal ekaanin Nin jeclaysi iyo Nin Tooxsi iyo Hawlgal u muuqda Kana siib, kana saar oo kale.

Si kastaba ha ahaate, La-dagaalanka Musuqa haa laga soo bilaabo Xarumaha Dowladda, laakiin haddii ay Xafiisyadda Musuq ehel looga dhigo, lama gaari karo Hawlgalka weyn ee Musuqa, iyadoo uu Mas’uul kasta loo baahan yahay inuu Waayuhu wax ka barto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com