Maxaad ka taqaan iclaankii Belfour? (Belfour Declaration).

Maanta oo ahayd 02/11/17 waxay ku beegnayd boqol guuradii heshiishki la baxay Belfour ee gogal xaarka u noqday guumaysiga Falastiin. Hadaba muxuu ahaa heshiiskaan, yaa galay, maxaa looga dan lahaa, maxaase sabab u ahaa?

Waxay maxay Belfour Declaration?

02/11/1917ki waxaa lagu dhawaaqay ballan qaad ay dowladda Ingiriisku u samaysay Yahuuddi Yurub ku noolayd. Ballan qaadkaan ayaa ahaa in Yahuuda loo samayn doono dhul ay iyagu leeyihiin oo laga siin doono Falastiin. Iclaankii waxaa akhriyay wasiirki arrimaha dibadda ee Ingiriiska Arthur Belfour, magaca Belfour halkaas ayuu ka yimid.

Iclaankaan ayaa gogal xaar u ahaa barakicintii lagu sameeyay dadka reer falastiin sanadki 1948di marka la aasaasay dowladda Yahuudda. Marki lagu dhawaaqay Iclaankaas, yahuudda dagan Falastiin waxay 10% ka ahayd dadki dhulkaas ku noolaa. Marki Iclaanku dhacay sanadihii ka danbeeyay waxaa si hoose loo billaabay daad-guraynta Yahuuddi Yurub ku noolayd. Intii u dhaxaysay 1922di iyo 1935ki, Yahuuddu waxay noqotay 27% tirade dadka Falastiin. Sidaas ayaana lagu waday ilaa ay halmar Carabti oo huruddo ay ka hoos kaceen.

Yaa Galay heshiiska?

Sidaan soo xusnay soo jeedinta iyo howl galinta heshiiska waxaa lahaa Ingriiska. Laakiin waxaa jiray dowlado kale hoos kala ogaa la’aantoodna uusan suura galeen. Wadamadaas waxaa ka mid ah Faransiiska iyo Maraykanka.

Maxaa looga dan lahaa?

Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in qorshuhu ahaa in la dhiso dal u gooni ah yahuudda inkastoo aysan warqadda ku cadayn. Waraaqda la akhriyay waxaa lagu qoray in Yahuudu la siin doono dhul ay u aqoonsadeen dhul hooyo balse taasi way ka duwan tahay waxaa loo dhisi dowlad. Dhul hooyo wuxuu noqon karaa dal aad ku nooshahay laakiin adigu aadan maamulin. Hasa yeeshee waxaa la rumaysanyahay in si kas ah warqadda qaabkaas loogu qoray, sababtoo ah haddii lagu cadayn in dowlad Yahuud leedahay Falastiin laga dhisayo dhib badan ayaa dhici lahaa. Sidaa awgeed waxaa lagu dhaqaqaay qaab qarsoon oo dadka intiisa badan aan dareen galin.

Ingriiska maxaa dan ugu jiray inuu Falastiin Yahuud siiyo?

Jawaabta su’aashaan lama hubo waayo ciddi falka samaysay si cad oogama aysan jawaabin ilaa maantana ma sheegin. Laakiin taariikhyannada iyo ilo xog-oghaal ayaa sheegay dhowr arrimood oo is biirsaday inay sabab u ahaayeen. Kow, madaxda Ingiriiska waxaa ku jiray rag Yahuud ahaa oo awood badan ku lahaa talada, inay iyagu gadaal ka riixeen ayay u badan tahay. Labo, waqtiga Iclaanku dhacay waxaa socday dagaalki koowaad ee aduunku Ingriiskuna qayb ka ahaa. Waxaa la sheegay in Ingriisku rabay inuu Yahuuda raali galiyo si ay culays u saaraan waddamadi Yurub iyo Maraykanka ee dagaalka qaybta ka ahaa si aysan dagaalka ooga bixin. Waddamaas waxaa awood badan ku dhex lahaa Yahuudda.

Sadex, Falastiin waxay ahayd dhul aad ugu muhiim ah danaha Ingriiska. Inuu ku yaal dhul masiixiyadda muqadas u ah ka sakow, Maamulidda Falastiin waxay muhiim u ahayd gacan ku haynta marinka Suweyn iyo Masar. Waqtigaas Masar Ingiriis ayaa guumaysanayay inuu siidaayana ma uusan rabin. Gacan ku haynta dhulkaas waxaa uu aad muhiim ugu ahaa ganacsigi Ingriiska iyo ilaalinta danihiisa. Ilaa maanta, jiritaanka dowlad Yahuudeed ahmiyad gooni ah ayay u leedahay dowladaha reer Yurub. Xasuusnow, in dagaaladu ka socon jireen xuduudaha Yurub ka hor intaan Carab iyo Yahuud la isku mashquulin.

Saamayn intee la eg ayuu yeeshay Iclaanku?

Wuxuu gogal xaar u noqday abuuridda dowlad Yahuudeed. Marki dowladdi Ingiriisku wareejisay gacan ku haynta Falastiin 1947di, waxaa dhula joogay ciidamo Yahuud ah oo ay sii diyaarisay. Ciidamaas waxay 1948di dhulkoodi ka rareen 750,000 oo Falastiniyiin ah. Si kooban, Iclaankin Belfour waa bilowgii bixintii Falastiin iyo guumaysiga ay ilaa maanta ku jirto. Kuwo badan oo la nooc ah ayay dowladdi guumaystaha Ingiriiksu gashay waxaana ka mid ahaa kay dhullkeena Soomaali Galbeed ku siiyeen Itoobiya.

Xogtaan oo faahfaahsan ka akhriso halkaan: http://www.aljazeera.com/indepth/features/2017/10/100-years-balfour-declaration-explained-171028055805843.html.

Ibrahim Aden Shire
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
Ishire86@gmail.com