Maxaad kala socotaa 5-ta QORSHE ee laga lee yahay aqoonsigii 3-da GOBOL iyo 5-ta dhinac ee danahooda fulistay

Hanjabaadda Afeey, Hoosaasinta Nicholas Kay iyo Hamiga Reer Galbeedku, Soomaaliya halkee ku furi doontaa?

Heshiis la soo dhoodhoobay oo ujeedooyin badan laga leeyahay ayaa waxaa durbaba ka soo horjeestay inta badan bulshada degen gobolada la isku sidkay ee aan Juquraafia haan iyo dhaqan ahaanba aan waligood is raacin maamul iyo degaana wadaagin. Dadka ka soo horjeestay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha 6-da gobol Mudane Nuunoow. Maamulka Shabele State. Iyo Beelweyne Hawiye ee degaan balaaran ku leh dhulkaas.

Ujeedooyinka laga leeyyahay heshiis ku sheegaan waa maxay?

Waxaa jira ujeedooyin is barkan oo ay kala wataan madaxweyne Xassan Sheikh, Raaisal wasaare C/wali, Guddoomiye Jawaaari, IGAD iyo Cabdi Afeey, Ergayga Qaramada midoobay, iyo dalalka darisk ah. 

Maxay tahay Qorshaha madaxweyne Xassan?

Madaxweyne Xassan run ahaan marka la eego qaabka ay wax u socdaan iyo heshiiskaan hadda uu ogolaaday waxa uu ka faa´idayaa sida uu isagu u arko markaan qiyaasno waa.

  1. Inuu ugu horeyn iskaga dejiyo mawjadaha siyaasadeed ee kaga imaanaya baarlamaanka iyo dawladda dhexdeed
  2. Inuu ku raali geliyo beesha caalamka oo sida wax u socdaan raali ka ah, oo isku tusiyo nin aan ka hor imaanayn awaamirta iyo qorshayaasha ay waxa loogu yeero beesha caalamku Soomaaliya ka leeyihiin iyo  sida ay wax u arkaan inuu ku taageero, si maamulkiisu u noqdo mid taageero ka helaa beesha caalamka.
  3. Inuusan ka hor imaan qorshayaasha ay wataan dalalka dariska nala ah gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Kenya.
  4. Inuu qanciyo beelaha Soomaaliyeed ee aan ahayn beeshiisa Hawiye oo uu asagu ku fadhiyo kursiga ay awood qaybsiga dawladda Soomaaliya ku leeyihiin .

Maxay tahay qorshaha Ra´iisal wasaare C/wali?

Ra`iisal wasaaraha oo ah shaqsi aad u taageersan qorshahaan danbe ee lagu aqoonsaday maamulka saddexda Gobol, waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u galay inuu ka taqaluso maamulka 6-da gobol iyo kan 2-da gobol oo xitaa loo quuri waayey inay dawladdu marnaba ay carabkeeda soo marsiiso magaciisa, si saaxaddaba loogaga saaro.

C/wali Rá´iisalwasaaraha oo safaro ku tagay dawladaha dariska sida Itoobiya iyo Kenya, asagoo sidoo kale safar dhulkaa ku tagay gobolka shabeelada Hoose. Wuxuu dawladahaas kala soo hadlay qorshihiisa ku saabsan aqoonsashada saddexdaan gobol oo maantay la soo gabagabeeye. Haddaba muxuu Ra´iisalwasaare C/wali ka dheefayaa qorshaha aqoonsiga maamulkaan 3-da gobol ee koonfur galbeed?

  1. In aan maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba Administration aan lagu qabsan saddexda gobol ee ay sheegtaan inuu hoos yimaado, kuwaas oo kala ah Gedo, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe.  Goboladaas oo uu maamulka 6-da gobol ee koonfur Galbeed uu sheegto asna inuu xukumo.
  2. Inuu beelaha Hawiye oo uu colaad dheer u qabo uu ka ilaaliyo inay saameyn siyaasadeed oo muuqata ay ku yeeshaan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya asagoo ka duulaya siyaasadda cusub ee ay hormuudka ka yihiin ururka sida  qabyaaladeysan  loo maalgaliyey inuu hogaamiyo siyaasadda Daaroodismka ku dhisan ee SAHAL. Taas oo oranaysa in Hawiye loo adeegsado dawladaha dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya ayadoo laga faa´ideysanayo waxa loogu yeero federalismka.
  3. Ra´iisal wasaare C/walli wuxuu fulinayaa siyaasadda dawladaha dariska sida Kenya iyo Itoobiya oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya qaasatan gobolada Koonfureed, dalalkaas oo ayaguna ku taageeraya qorshihiisa qabyaaladeysan ee SAHAL.
  4. Ra´iisal wasaare C/wali wuxuu maamulka Rimay gacmeedka ah ee Jubba Administration u xalaaleeyey gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay sheegtaan inay ka taliyaan laakiin aysan in ka yar boqolkiiba 2 ( 2%), aysan ka talin.
  5. Ra´iisal wasaare C/wali wuxuu si wanaagsan ugaga soo dhalaalay awood qaybsigii uu ku yimid ee ahaa inuu beelaha daarood u matalo xubinta ay ku leeyihiin dawladda Dhexe oo si wanaagsan uu ugu soo cad gooyey xaq iyo xaqdaraba.

Gudoomiye Jawaari iyo waxa uu ka faa´idayo?

Jawaari qaabkiisa kama foga midka Ra´iisal wasaare C/wali, balse wuxuu asagu ku shaqeynayaa ku qabso ku qadi meyside waxa uuna dhulbalaarsi weyn u doonayaa maamul kasta oo Baydhabo ka hirgala kaas oo ku shaqayn doona habka qariban ee la doonayo in mar kale dagaal aan dhammaan loogaga dhex abuuro Soomaaliya kaas oo ah FEDERAALKA.

  1. Jawaari wuxuu doonayaa inuu maamulka Baydhabo fadhiistaa uu helo deked uu dhaqaale iyo ganacsi ka sameeyo, wuxuu qorsheeyey oo uu taageersanaa siduu maantayba qudbadiisii ku sheegay maamulka 6-da gobol asagoo quud- dareynaya labada dekadood ee Kismaayo iyo Marka inuu mid heli doono.
  2. Jawaari Wuxuu asna ku shaqaynayaa awood qaybsiga uu dawladda ku fadhiyo oo wuxuu dagaal dheer ugu jiraa in DIGIL IYO MIRIFLE, waliba beeshiisa reer Digil inay hesho awood dheeraad ah oo ay ku yeelato gobolada Koonfur Galbeed.
  3. Jawaari wuxuu doonayaa inuu meesha ka saaro sheegashada ay beel weynta Hawiye sheeganayso inay dhukaas degaano ku leeyihiin, wuxuuna xulufo hoose la yahay beelaha Daarood ( SAHAL ), ee dagaalka ba ´an kula jira beelweynta Hawiye oo u muuqata inay aamintay nadaamka dawladeed ee lagu soo wada hoos dhuuntay.

IGAD iyo Cabdi Afeey ayaguna waa maxay qorshahooda Saddexda gobol?

Affey oo ku faraxsan aqoonsiga iyo fowdada ka dhalan doonta
Affey oo ku faraxsan aqoonsiga iyo fowdada ka dhalan doonta

Waa laba qorshe oo isi saaran waa mide midka koowaad waxaa iska leh IGAD, oo ay hogaaminayaan Itoobiya iyo Kenya.

  1. IGAD waxaaa magaceeda ku shaqaysanaya dawladaha Itoobiya iyo Kenya oo heshis ku ah burburinta iyo duleynta dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba, doonayana inay mar walba kala qaybsanaadaan qola walibana sii kalaa qaybsanaadaan dhexdooda.
  2. Itoobiya iyo Kenya waxay doonayaan inay helaan laba maamul oo Federaal ah oo sida Somalailand iyo Puntland ah inay ka helaan Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo kala ah Kenya oo haysata Jubba Adminsitaraion, iyo Itoobiya oo hesha Koonfurta Soomaaliya, lamana doonayo in hal meel laga wada xukumo oo waxaa la doonayaa in midna AddisAbaba uu amar toos ah ka qaato midna Nairobi, sida haddaba muuqata.
  3. Afeey wuxuu ka faa´ideysanayaa magaca IGAD oo uu ku joogo Soomaaliya asagoo qabiilkiisa xooga ku haysta Kismaayo ku difaacaya Magaca uu ku matalaayo urur goboleedka IGAD oo uu marna wakiil ugaga yahay kenya, marna qabiilkiisa Ogaadeen (Kablalax ), marna uu siyaasadda guud ee Uruka IGAD oo ay ku shaqaystaan Kenya iyo Itoobiya uu u matalayo labadaas dawladood, dantooda hoose ee Kenyana meesha kama maqna.
  4. Afeey wuxuu dagaal cad la soo qaaday C/llaahi Yuusuf  waqtigaas oo uu dawladda Kenya u ahaa safiir  Soomaaliya ugu magacaaban laakiin uusan ku shaqaynayn diploomaasiyada ay safiiradu ku shaqeeyaan balse uu la falgalayey siyaasadda qabyaaladeysan ee Soomaalid ka dhaxaysa, asagoo si toos ah ula safnaa xasuuqii uu C/llaahi Yuusuf ka geystay Magaalada Muqdisho iyo degaanada ku hareeraysan. Waxaa muuqata inuusan wali mashruucaas ka tanaasulin oo uu waliba dalacaad dheeraad ah ku sii helay, marka shaqadiisa ayuu sii wadanayaa si uu u sii dalaco.

Nicholas Kay iyo Reer Galbeedka

Kay iyo reer Galbeedku ujeedkiisu waa inay Soomaaliya sii burburto oo ay sii ahaato dawlad aan marnaba ka hoos bixin gacanta reer galbeedka ayagoo la sugaaya inta ay siyaasad mideysan ka yeelanayaan dhammaantood iskuna waafaqayaan sidii ay u qaybsan lahaayeen qayraadka iyo ilaalinta marinada muhiimka ah ee mara Soomaaliya badaheeda, iyo mustaqbalka sid aay ugu heshiin lahayeen dawladaha Yurub iyo Maraykanka oo islana socda haddana kala socda. Ogow reer galbeedku siyaasadda Soomaaliya iskuma waafaqsana.

  1. Qorshaha Kay waa in uu Soomaaliya xaalkeeda sii fogeeyo si uu xafiiskiisu u sii furnaado ka dibna uu u yiraahdo Soomaaliya dawlad ma noqon kartee dawladnimo ha la gaarsiiyo oo caalamku ha u soo diraan ciidamo UN ah oo ilaaliya maamul si toos ah u hoos yimaada qaramada midoobay asna uu madax ka yahay, arintaas waxaa qaba dad badan oo siyaasiyiin ah, oo waliba si wanaagsan ugu dhuun daloola qorshayaasha uu maleegayo Nicholas kay oo ah nin mudo dheer ka so shaqeeyey dalal Afrikaan ah oo ay dagaalo sokeeyo aafeeyeen sida Congo, iyo Sudan.

Haddaba Wax walba waxay ku dhammaanayaan sid auu ilaahay doono, laakiin waxaa muuqata in Soomaaliya dib loogaga abuurayo dagaalo sokeeye oo abuuri kara in mar kale uu ku daato dhiig badan, kaas oo asalkiisu yahay FEDERAAL iyo anagaa iska leh dhulkaan ee nooga guura.

Waxaa aad loogaga cabsi qabaa in ciidamda hadda ku sugan Soomaaliya aysan dalka ka bixin ayagoo ku mar marsoonaya inaan Soomaaliya xasiloonayn, ayaguna ay ka shaqaynayaan inaan Soomaaliya Siyaasad ahaan iyo amni ahaanba u xasilin.

Laakiin cabsida ugu weyn ee aan qabo ma ahan dagaalo dhaca oo kaliya ee waxaan aad ugaga baqayaa in ay meesha ka baxdo magacii dawladnimo iyo jiritaanka sharciyadeed ee ay haysato oo hadda wax weyn oo aan Soomaalidu fahamsanayn ku fadhida haddii loo helo dad macnaheeda ku shaqeeya oo kaliya ayagoo yaqaanna waxa ay xaq u leeyihiin.

Ugu danbeyn waxaan leeyahay DIIN ayaa waxa la yiri Diinoow waxaa kuu tashanayey Haad oo waxay ku tashteen inay beri hilibkaaga kala goostaan. Markaas ayuu yiri meeshii la iigu tashanayey soo Ilaahay ma joogin, markaasaa la yiri HAA.

Markaas ayuu ku jawaabay haddaba ALLAAN talo saartay, Alle aamina ma iisho. Waxaa la yiri subaxdii ayuu wuxuu Diinkii soo toosay asagoo qolof adag Ilaahay ku dahaaray sidaasna uu ugaga badbaaday dhibaatadii ay Haadu la damacsanaayeen.

Soomaaliya meesha loogu tashanaayey Ilaahay ayaa joogay waxaana Alle ka baryeynaa inuu naga qabto cid walba oo dhibaato nala maagan. Qoloftii Ilaahay Diinka ku dahaarayna uu noogaga dahaaro dhibka iyo qiyaanad ay nala maagan yihiin cadowga umadda Soomaaliyeed.

Mar kale waxaan leeyahay qoraalkani ma dhiira galinaayo qabiil iyo qabyaalad toona . Waa odoros siyaasadeed iyo fikir shaqsi, waxaan mar walba soo dhaweynaynaa cidii fikirkaas iyo falanqayntaas mid ka duwan qaba.

MIIN, AAMIIN, AAMIIN,

DHAMMAAD

Ali Hersi

www.facebook.com/Ali Kabayare