Xog & Gorfeyn: Somaliaa oo ku socota qaabka madaxweyne iyo ku-xigeen

Waa tii sannadka markuu ahaay labada kun, uu Mudane Ismaaciil Cumar Gelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, ugu baaqay Soomaalida shirweyne qaran oo dib u heshiisiin; waa tii, marka laga reebo garabyadii hubeysnaay, Soomaalidu soo dhaweysey baaqa ka soo yeeray Mudane Gelle; waa tii la isugu tegey tuuladii taariikhda gashay ee Carta (Djibouti); waa tii muddo dheer keddib lagu heshiiyey: (1) Axdi qarameed, (2) gole shacab, (3) madaxweyne, iyo (4) xukuumad oo dhammaan KMG ah; waa tii Mudane Cabdiqaasim Salad Xassan iyo Cabdalla Deeroow Isaaq loogu kala doortay madaxweyne iyo guddomiye gole shacab; waa tii uu Mudane Cabdiqassim u magacaabay Mudane Cali Khalif Galayr wasiirka koowaad ee xukuumadda; waa tii dadweynaha Soomaaliyeed soo dhaweeyeen dhammaan go’aannadii ka soo baxay Carta; waana tii caleemo qoyan lagu soo dhaweeyey heykalka dawladnimo ee Soomaaliyeed. 

Maxaa Dhacay (1)

Waa tii muddo kooban keddib khilaaf aan qarsoonayn soo kala dhexgalay Mudane Cabdiqaasim, Madaxweynaha iyo Mudane Cali Khalif, Wasiirka Koowaad ee xukuumadda; waa tii khilaafkaas ku dhammaaday is-casilaaddii Mudane Galayr, Mudane Xassan Abshirna loo magacaabay wasiirka koowaad;  waa tii khilaaf kale oo soo kala dhexgalay Madaxweyne Cabdiqasim iyo wasiirka koowaad ku dhammaaday is-casilaaddii Mudane Abshir,  Mudane Maxamad Cabdi Yuusufna loo magacaabay wasiirka koowaad; waa tii ugu dambayntii Mudane Maxamad Cabdi Yuusuf ka fariistay shaqadii (Is-casilaad), waxayna arintaas soo afjartay mirihii Carta.

Maxaa Dhacay (2)

Waa tii Soomaalidu shirweyne kale oo muddo dheer qaatay isugu tagtay Degmadii Imbogati ee Kenya, waana tii Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Mudane Shariif Xassan Shiikh Aden loogu kala doortay madaxweyne iyo guddoomiye gole shacab, Mudane Cali Maxamad Geedina loo magacaabay wasiirka koowaad;  waa tii muddo kooban keddib Mudane Yuusuf iyo Mudane Geeddi is khilaafeen, khilaafkiina ku dhammaaday in Mudane Geeddi is-casilaad qaddimo; waana tii Mudane Yuusuf magacaabay Mudane Nuur Xasan (Nuur-Cadde), waxana muddo kooban keddib is-casilay Mudane Nuur-Cadde iyo Mudane Cabdullaahi Yuusuf.

Maxaa Dhacay (3)   

Waa tii Soomaalidu mar labaad isugu tagtay Djibouti, laguna soo dhisay Mudane Shiikh Sherif Shiikh Axmed (Madaxweyne), Aden Maxamad Nuur (Guddomiye gole shacab), iyo Mudane Cumar Cabdirashiid (wasiirka koowaad), oo dhammaan KMG ah.  Waa tii waxay sababtu ahaydba, Mudane Cumar Cabdirashiid is-casilay; muddo keddibna waxa is casilay Mudane Maxamad Cabdullaahi Maxamad “Formaggio,” oo beddelay Mudane Cumar cabdirashiid,  waxana KMG-nimadii dhammaatay Mudane Sheriif Shiikh Axmed iyo Mudane Cabdiweli Maxamad (Gaas), wasiirkii koowaad ee ugu dambeeyey xukuumaddii KMG oo isku dheggan (is khilaafsan). 

Maxaa Dhacay (4)

Waxa dhammaay ku meel gaarkii dawladnnimo ee Soomaaliya, waxana la doortay: (1) gole shacab oo leh guddoomiye iyo kuxigeenno, (2) madaxweyne, iyo (3) xukuumad, waxase meeshiisii ka sii socday khilaafkii horey u ragaadiyey dawladihii ku meel gaarka ahaay ee soo maray dalka, laga soo billaabo labadii kun.

Maxaa Keenay Khilaafka soo noq-noqday (Aragti)

Waxa xeel dheerayaal badan qabaan in sababta khilaafka joogtada noqday yahay (1) damac siyaasadeed; (2) maskax ku qufulan keli talisnimo laga dhaxlay dawladdii kacaanka oo  inta badan ee wax hoggaamisa manta koreen, garaadsadeen ama qayb ka noqdeen dawladdii kacaanka. Waxa kale oo xeeldheerayaashu qabaan in aan dastuurka la aqrin, lagu dhaqmin ama uusan dastuurku si cad u qeexeeyn waajibaadka shaqo ee u dhexeeya madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, waxana marar badan dhacdo in labada masuul isku dhacaan, iyada oo la aaminsanyahay in uu madaxaweynuhu soo dhaafo ama gudbo xadka shaqo ee uu leeyahay, farahana la galo shaqada wasiirka koowaad.

Waxa hab dhaqanka kor xusan ee is-qabqabsiga madaxda sare ee dawladda, lagu waayey ama ku tegay saddex madaxweyne (Cabdiqasim, Cabdullaahi Yusuf, Sherif Shiikh Axmed), iyo sagaal wasiir koowaad (Cali Khalif Galayr, Xasan Abshir Farax, Maxamed Cabdi Yusuf, Cali Maxamad Geedi, Nuur Xasan Xuseen “Nuur-Cadde,” Cumar Cabdirashiid, Maxamad Cabdullaahi Maxamad “Formaggio,” Cabdiweli Maxamad Cali “Gaas,” iyo Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid,”) iyada oo aan maantana la amaanayn xiriirka wadashaqayn ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirkiisa Koowaad (Cabdiweli Shiikh Axmed).

Maxaa Xalku Noqonkaraa (5)

Waxa xalka naga og oo naga yaqaan Alle (SWT); haddise dalku ka badbaado saan-saanta colaadeed ee muuqata, Soomaaliduna qaadato (inta badan) habka federaalka, waxa lama huraan noqonayso  in uu jiro madaxweyne dadweynuhu soo doortay. Madaxweynahaas oo fulindoona guud ahaan hawsha qaranka, gaar ahaan xukuumadda, mana jiri doono wasiir koowaad oo qaban doono hawsha fulinta ee xukuummadda. Dabcan, waxa habka federaalku oggolyahay in madaxweynuhu yeesho ku-xigeen, labada mas’uulna ka soo jeedan hal xisbi, urur ama dallad is-bahaysi. Sidaas daraadeed, waxan soo jeedin lahaay in Soomaalidu qaadato hoggaamin ku salaysan madaxweyne iyo ku-xigeen, meeshana laga saaro xilka ama jagada wasiirka koowaad.

Wabillaahi Towfiiq

W/Q: Prof. Axmed M. Warfa

Utah, USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid