Heshiisiinti KOONFUR Galbeed 6 iyo 3 waa been roortay run ma gaarto iyo..

Heshiisiinti Koofur Galbeed 6&3 ee Villa Somalia, waa Been Roortay Run ma Gaarto iyo Halambey maxayga galay wixi ummadda ka qaloocdo.

DFS Qaabkee ayey u gashay dhaxdhaxaadinta labada maamul ee koofur galbeed lix iyo saddax,maxaysa u tixgelinweysay maamulka shabeella State in uu ka mid yahay muranka ka jiro gobalka shabeelada hoose????

Beenta iyo isku dirka waa laga roon yahay,weliba kuma sii jrto haddii ay Beentaas iyo fal muuqdo oo gurracan ku kacaan madaxda DFS dhamaantood.

In badan oo Soomaali ah waxay iska weydiiyeen heshiisiinta la sheegay in la dhax dhigay labada maamul ee koofur galbeed ee iyaga isku maandhaafay in maamulkooda ka koobnaado lix iyo saddex, sidee loo soo xulay laba nin oo ka tirsan maamulki sheegtay in uu isaga maas’uul ka yahay lixda gobal ee koofur galbeed iyada oo goobta heshiiska ka dhacay uu ka maqan yahay madaxweynihi maamulkaaas lixda gobal,halka uu joogay madaxweyne ku sheega meel mugdi ah lagu soo doortay ee maamulka saddaxda gobal ee koofur galbeed . Ogow goobta heshiiska ka dhacay laguma soo qaadan maqnaashaha odayaashi maamulka lixda gobal kaga dhawaaqay magaalda Baydhabo iyo madaxweynihi ay halkaa ku doorteen Mudane Madoobe Nuunow.

Gogasha la sheegay in heshiis ay kuwada saxiixdeen labadan maamul waxaa fadhiyay oo kaliya hal dhinac labadi koox ee isheysay marki laga reebo laba nin oo iyaga aan mas’uuliyad weyn ka heyn maamulki lixda gobal ee uu madaxda u ahaa Madoobe Nuunow oo iyaga labadan nin goobta loo soo fadhiisiyay qaab u muuqdo marqaati gelin shahaada zuur u ah..

Tan kale oo tan ka sii yaaab yareyn waxay ahaayd ,DFS iyada lama socoto miyaa waxa ka jiro gobalka shabeelada hoose iyo in Shabeelda hoose koox kale oo Soomaali ah kaga dhawaaqeen maamulka labada Shbaeelle ee shabeelle state waxay ugu magac dareen,iyo in maamulkaas uu madaxweyne u doortay Madaxweyne Mardaadi oo isaga haddeer ku sugan magaalada Marka ,halkaana ku jeedo awooda maleeshiyaad isaga taageersan sidi ay ku yimaadeen ha ahaado khalad ama sax oo iyada naf’ahaanteeda xal loo helo laga sugayay DFS.

Marin habaabintan oo dhan waxay ka marqaati kaceysaa in faragelin Shisheeye oo u xaglineyso dhinac gaar ah oo ka mid ah kooxihi isku haayay maamuladan in ay goobtaa ka soo muuqatay,taana waxaa daliil u ah sidi uu u hadlay ergagi IGAD ka fadhiyay goobta Mudane Afey oo madaxda dalkeena sharaf dil weyn ku sameeyay kolki uu u tilmaamay hawsha looga baahan yahay iyo sida ay tahay in ay u qabtaan hawshaas iyada oo caalamka oo dhan laga dhegaysanayo.

DFS waxay dhibaatadi ka aloosnayd gobalkaas gaarsiisay meel ka sii hooseyso dhibki hore uga jiray gobalkaas,waxaa intaa ka daran in mediyaha uu si cad uga soo muuqday wasiirki arrimaha gudaha Mudane Cabdullahi Goodax oo isaga hawshaan lahaa oo si cad u sheegay qaabka heshiiskaa loo maareeyay in aan loo soo marin sidi sharciga ahayd.

Tan naf ahaanteeda waxay keeneysaa in aan iska weydiino heshiiska Asal ahaan yaa soo diyaariyay haddii wasaaradi hawshan u xilsaarnayd waxba kala socon heshiiskan iyo qaabka loo soo maareeyay,midda kale miyaaneyn dhacdadan adkeynin, goobtaas in wixi ka dhacay in been cad ay isaga marqaati kaceen madaxda dalkeena,beesha caalamka,ergaga afrika iyo ergaga IGAD,sidoo kale tan waxaa si aan toosneyn uga soo dhax muuqday iscasilaadi uu ku dhawaaqay maalmo ka hor ergaga AFrika Mudane Anadif in ay salka ku heysay arrintan qaabka loo maareeyay in uu ka biya diidsanaa.

Dhaqanka dowlad laga rabo ama sida ay wax u maamulaan dowladaha caalamka ee xorta ah waa in wasiirka shaqada leh,shaqada uu qabtay soo hordhigo Golaha wasaarada ,golaha wasaaradane ay ka doodaan qaabka uu wasiirka adeegsday ma tahay mid ka gadmeyso ummadda ay madaxda u yihiin iyo in kale,keddibna ay arrintaa aqbalaan ama diidaan golaha wasaarada ,keddibna u gudbiyaan golaha shacabka si uu u sharciyeeyaan hawshan haddii ay iyaga isku raacaan aqbalaad, laakin haddeer waxaa muuqato in wasiirki hawshan lahaa uunan hawshan la soconin,arrinatana u muuqato halambeey iyo maxaa kaa galay dhibki ka yimaado kol haddii isticmaarka dadban xalkan xun raali ka yahay.

Hadda iyo dan, xal nooma ah in ummaddeena khiyaali iyo been cad lagu hogaamiyo ama gadaal loogu celiyo dagaala sukeeyo oo aan islahayn waa laga soo tilaabay waqtigoodi iyada oo loo dhega nuglaanayo fulinta danaha dowlada kale oo aynan dan ugu jirin qaabka saxa ah ee arrintan loo maareyn karo,ama iyada oo loo dhega nuglaanayo dana shakhsi ah oo gurracan oo aan ka tarjumeyn danaha guud ee ummadaan.

Fiira gaar ah ,dowlada waa in ay maanka ku heysaa xooga ay ku joogto ee AMISOM in uunan dagaala qabiil qeyb ka noqon Karin,haddii ay dhacdana ay taa soo dedejineyso in ay sidi Ciidanki Itoobiya si sahlan ugu jabayaan dagaaldaas qabiil oo uunan ka dambeyn qorsha quman ee waxa nagu xun lagu hagaajinayo.”intaadan Falin ka fiirso”.

Sidoo kale khilaafkan wuxuu banaanka soo dhigay shakiga ku xeeran in dalka Soomaaliya uu ka hergalo nidaamka federalka oo ay horboodayaan xoogiisa dalal shisheeyo oo yoolkooda yahay qeybi oo xukun, xoolaha ummaddaane si sahlan u boob.

Talo ku jeedo guud ahaan madaxda dalka ,si gaar ahna ugu jeedo wasiirka koowaad Mudane Cabdiweli Shikh Axmed,Mudane waxaa muuqato in aad hawshiina ku dhacdeen iyo la imaantinka wanaagi ay ummadda Soomaaliyeed idinkaga fadhiyeen.Mudane waxaa haddeer idin horyaalo daminta dhib horay u yiilay oo isaga oo holcayo aad bansiin ku sii shubteen. Mudane dabkan aad shideen ,been cadna aad fadhi uga dhigteen shidistiisa waxaa looga bixi karaa oo kaliya in aad isa soo horfadhiisisaan dadka uu muranka kaga dhaxeeyo qaabkee ugu haboon ee maamul loogu sameyn karaa goballada koofureed dhamaantood oo ay ku jiraan odayaasha Jubbada hoose gobalki horay loo dhihi jiray,jubbadda dhaxe,Gedo,labada maamul ee koofur galbeed lix iyo saddex iyo maamulka shabeelle state iyo odayaasha gobalki horay loo dhihi jiray Banaadir oo ay ku jirto magaalada Muqadisho ,tanna waxay imaan kartaa oo kaliya iyada oo aad ka tanaasushaan u dhega nuglaanta fulinta danaha shisheeyaha ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Mudane adiga iyo dowladaada waa in aad ku seexataan ,kuna soo toostaan in ay taariikhda idinka cafinayn waxaad ummaddiina u horseedaan wanaag iyo xumaan.

Qore/Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid