Xallinta Iskudhaca Xubin-Federaleed-yada (XF) iyo soohdimahooda (Talo)

Ma suurta galayso soohsimaha xubin federaaleedka inay raacaan xuduudaha gobollada 18ka ee jiray. Waxaa muhiim noqonayso in la qaybsado gobollada qaar, si muranka jira looga gudbo.

Webiga Juba waxaa soohdin looga dhigi karaa Xubin Federaaleedka Juba iyo Koofur Galbeed. Wixii galbeed ka ah – waa XF Juba; wixii bari ka ahna waa XF Koofur Galbeed. Taas waa marka laga soo billaabo Doolow, Luuq, Baardheere, Saakow, Dujuuma iyo Bu’aale. Galbeedka webiga Juba waa XF Juba; bariga webiga waa XF Koofur Galbeed. Sidaas awgeed, Koofur Galbeed waxay ka koobnaanaysaa Bakool, Gedo bari, Bay dhammaan iyo Jubada Dhexe badankeed iyo badanka Shabeelada Hoose marka laga reebo dhulka dhaca bariga Webi Shabeele ee deexda sida Marka, iyo Baraawe. Magaalooyinka Afgooye, Qoryooleey, Kurtun Waareey iyo Sablaale waxay yeelan doonaan dhinac bari iyo dhinac galbeed Webiga Shabeelle. Dhinaca Galbeedka waxay raacayaan XF Koofur Galbeedhi; dhinaca bariga waxay raacaysaa XF Shabeelle.

Degmooyinka deexda ah ee Shabeelada Hoose.waxaa la raacinayaa Xubin Federaaleed ka loola baxay Shabeelle oo ka kooban Shabeelada Dhexe, deexda Shabeellada Hoose iyo degmooyin ka bari ee Webiga Juba marka laga soo billaabo bariga Bu’aale, bariga Jilib iyo bariga Jammaame illaa laga gaarayo Webiga Juba halka uu ka galo badda Indian Ocean ee Jumba, u dhow Goobweyn.

Galbeedka Bu’aale, Galbeedka Jilib iyo Galbeedka Jammaame waxaa ay raacaysaa XF Juba. Sidaas ayaa lagu kala qeexi karaa soohdimaha Xubin Federaaleed yada Juba, Koofur Galbeed iyo Shabeelle.

XF Koofur Galbeed waxay badda ka taabanaysaa kooridoor Baraawe – Maryan Gubaay oo badda la teedsan oo ballaciisu yahay 40 km xagga xeebta.

Qaab kaas ayaa dareenka iyo guuxa hadda socda lagu daaweyn karaa shacab ka Soomaaliyeed. Arrintaan waxay xal u tahay sammaysanka Xubin Federaaledyada koofureed gobollada koofurta ka ah Bartamaha Somalia sida Koofur Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.

Abdulkadir Abiikar Hussein

Mufakirka Habsami-usocodka federaalaynta Somaliya

qaadir.abiikar@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid