Soomaalida dadka ayaa lagu badsadaa, odayaashiina dhul ayey ku murmayaan

1 – Waxaa la yaabay odayaasha dhulka isku haysto, waxaan idin dhahayaa Caqli xumada ka waantooba, oo jiilka soo socdo ha qaadsiinina dhaqanka duurjoogta.

2 – Gobolkii dad badnaado, wuu ka dhaqaalo badanyahay, gobolka dadka ku yaryihiin.

3 – Dhulka waa weynyahay dadka Soomaaliyana waa ku filanyahay. waana ka badanyahay.

4 – Odayaasha dhaqanka cimrigiina waa dhamaaday, sanad ka bacdi inaa sii joogin aa laga yabaa, caqli xumada ka waantooba.

5 –  Qof Soomaliya ka qaxay ayaaa wadan kale gobolkiis laga dooranayaa, adinkii isku dhulka aheydeena waa isdooran la’dihiin. maxaa qaldan?

6 –  Odayaashii hore ee dhaqanka soomaaliya waxaa lagu yaqaanay xikmad iyo caqli badan. lakiin kuwa hada joogo xagee garashadii iyo xikmadii ka aaday.?

7 – Soomaaliya dhibka haysto sharci la raaco malaha, hadii uu jirana qabiilkaa ka xoogweyn.

8 –  Sida sharciga qabiilka uga xoog badnaan karo, iyadoo la dhiso ciidan asluub leh amarkana hal meel ka qaato, markaas cidii sharciga ka hortimaado waa laga hortagi karaa.

9 –  Federalka Soomaaliya waa mid aduunka aan horey ugu arkin, waxaad wadaan federaal lama yiraahdo, waa kala firir.

W/Q: Abdiaziz Adan Hassan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid