Hagardaamada CABDI WARSAME uu ku hayo Soomaalida reer MINNEAPOLIS

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis waxay si hagar la’aan ah u doorteen nin lagu hungoobay, laguna qasaaray oo magacaiisa la yiraahdo Cabdi Warsame, waxaana loo doortay dowladda hoose, Degmada 6aad ee magaalada Minneapolis ahna magaalada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee gobalka Minnesota, oo ay Soomaalidu aad ugu badantahay. Waxay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, gaar ahaan Minneapolis, weliba xaafada Ceder isku raaceen, is-tuseen inay mar arkaan qof Soomaali ah oo gala siyaasada gobalka Minnesota, si dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan loo helo qof matela, una hadla dantooda.

Waxaan xoog iyo xoolo inta aan awoodno isugu geynay wiil aan runtii ku qaldanay, balse markii hore noola muuqday nin caqli gal, oo aanay dadka u kala soocneyn, hase ahaatee ay mar danbe hagardaamadiisa ay dibada u soo baxday. Ninka aan u hurnay waqtigeena qaaliga ah iyo tamarteena iyo tacabkeena wuxuu ahaa ninka hagardaamada iyo qiyaanada badan ee la yirhaado Cabdi Warsame. Maanta Cabdi Warsame wuxuu ku fadhiyaa kursi ay dadka Soomaaliyeed ee dan yarta ah u doorteen, balse uu ku takri falay. Wuxuu ku fadhiyaa xil ay u doorteen dad dhibaatyesan oo u baahan qof iyaga metala, oo u gala siyaasada, islamarkaasna xuquuqda uga soo saari kari dowladda hoose ee Minnesota.

Nin Qabiil Ku Shaqeeya

Caabdi Warsame wuxuu noqday nin ku shaqeeya qabiil, weliba xataa qabiilka u sii kala saar-saara jufo-jufo hoose. Wuxuu noqday nin dadka u kala eexda, oo kala sooca, una kal saar qabiil-qabiil. Waxaa tusaale noogu filan dhacdadii foosha xuameyd ee ka dhacday xaafada Ceder ee Minneapolis, isagoo taageero u fidinaya islaanta la yiraahdo Phyllis Kahn oo ah wakiil ku fadhida kursiga uu u tartamayo Mohamoud Nour, oo ah nin dhallinyara ah, oo doonaya inuu ku biiro siyaasada gobalka Minnesota.

Cabdi Warsame, isagoo qabiil ku xumaynaya Mohamoud Nour, wuxuu taageero buuxda siiyey islaanta la yiraahdo Phyllis Kahn. Waa naag da’deedu tahay 77sano jir, kuna soo jirtay siyaasada dowladda hoose ee Minnesota muddo dhan 43 sano, balse ay dad badan oo isugu jira Mareykan iyo Soomaali ay la tahay in la doorto Mohamoud Nour, si waa maree loo maqlo codka dadka Soomaaliyeed ee ku nool, kuna badan xaafada District 60B, oo ay naagtaas hadda maamusho iyo in la helo dhiig-cusub iyo cod oo bedela Phyllis Kahn. Ma wuxuu iloobay Abdi Warsame dadkii shalay Soomaalinimada ku doortay, oo uu ka doortay Phyllis Kahn? Ma waxaa maskax maray qabiilka xun ee Soomaalida baabb’ashay, mise waxaa ka waalay hinaas ah sidee nin kale oo Soomalai ah ugu soo bixi karaa siyaasada Minnesota. Waa jawaab loo baahanyahay!

Cod-Kala-Noqosho

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota waxay haatan bilaabeen olole ballaaran oo ay codkooda kala soo noqonayaan ninka qabiilka ku shaqeeya, ninka ay si qaldan codkooda u siiyeen. Waxaa mar hore bilowday in la soo ururiyo magacayada dadka diidan in ninkaasi mateli karo Soomaaliweyn, balse uu yahay nin jaah-wareersan oo malaha laga maamulo meel kaba baxsan Minnesota. Inshaa Allaah, Abdi Warsame hagaardaamada uu ku hayo umada Soomaaliyeed, weliba ninka dhallinyarada ah ee la tartamaya Phyllis Kahn ma aha mid uu ku falaxayo. Shalay annaga oo Soomaali oo dhan ah, oo isku duuban ayaa Abdi Warsame ku fariisinay kursiga dowladda hoose, Inshaa Allaah maantanna waa ka qaadeynaa, annagoo mar labaad codkeena ururin doona, una gudbin doona dowladda; taasna waxay keeni doontaa Inshaa Allah doorashada in dib loogu celiyo.

W/Q: Mohamed Jama
Siyaasi2012@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid