Qalinkii YUUSUF GARAAD: DOWLADDA Soomaaliya VS Beel Soomaaliyeed

Maalmahaan waxaa Muqdisho ka jiray welina ka socda khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda iyo beel ka mid ah shanta beelood oo aad mooddid in Xubnaha Xukuumadda iyo kuwa Baarlamaanka ee beesha ka soo jeeda ay isku qanicyeen in ay isku mowqif qaataan inta hadda ah.

Waxay beeshaasi ka careysan tahay in Gobolka Shabeellada Hoose laga mid dhigo maamul goboleed ay xaruntiisu noqoneyso Baydhaba.

Dhowr maalmood oo aan Muqdisho joogay waxaan dhegeystay doodda dad ka soo jeeda beesha gadoodsan. Waxaa ii soo baxay dhowrka qodob ee dooddoodu ay ku salaysan tahay, waxaana ka mid ah:

Xafladda lagu qabtay Madaxtooyada ee saddexda gobol la isku raaciyay in ay tahay mid dastuurka ka soo horjeedda. Sababta oo ah Dastuurku wuxuu qorayaa in dadyowga Gobollada deggani ay ka xaajoodaan haddii ay doonayaan in ay is raacaan. Ma ahan go’aan ay leedahay Dowladda Federaalku.

Dood kale waxay tahay taariikh ahaan in Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ay labaduba ka tirsanaan jirteen Banaadir oo Muqdisho ay xarun u tahay.

Hadda haddii Muqdisho laga reebo waxay door bidayaan in labada Shabeelle ay is raacaan.

Dowladdu sababta ay u diidday in ay aqoonsato maamulka Shabeelle ee Afgooye looga dhawaaqay oo ay u aqoonsatay midka ay iyadu uga dhawaaqday Villa Soomaaliya oo ka danbeeyay kan looga dhowaaqay Afgooye, in ay tahay caddaalad darro.

Ugu danmbeyntii waxay ku doodayaan in Shabeellada Hoose aanay ahayn Marka oo keliya ee ay jiraan degmooyin ay inta badan dadka deggani ay beeshooda ka soo jeedaan oo Gobolka ka tirsan. Iyo in Gobolku uu dacalka la soo galo magaalada Muqdisho oo xataa xeebta Jazeera, oo u soo dabaal tagaan dad badan oo reer Muqdisho ah ay hadda ka dib hoos tegi doonto Baydhaba.

Akhristow maxay kula tahay in qodobbadaas lagu xallin karo. Haddaad madax ahaan lahayd iyo haddii aad beesha la talineyso ama dowladda aad la talineyso maxay noqon lahayd taladaadu?

W/Q: Yuusuf Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid