Maxaad kala socotaa sirta ku duugan furitaanka Xasan ee Shirka Kismaayo?

Shirka lagu balansanaa in loo qabto Kooxihii isku khilaafsanaa Maamulka KMG ah ee Juba oo ay gar wadeenka ka aheyd xukuumada Soomaaliya xubno kamid ah, xubnahaas oo uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godax Bare si hordhac ahna heshiis loogu gaaray, heshiiskaas oo qodobadiisu kamid ahaayeen in shir dib u heshiisiin iyo dhamaysir Maamul loo qabto Kooxda Ahmed Madoobe hogaamiyo oo fadhigoodu yahay Kismaayo iyo Kooxda Col Bare Aden Shire “ Col Bare Hiiraale” oo fadhigoodu ahaa Tuulada Goobweyn, kooxdaan oo diidaneyd MKG Juba ee uu Hogaamiyo Ahmed Madoobe.

Heshiiskaas oo ahaa heshiiskii Col Bare Hiiraale loogu soo waday Magaalada Muqdisho, Ciidamadii uu hogaaminayay lagu geeyay Magaalada Kismaayo, Heshiiskaa ayaa qodobadiisu qorayeen in labada ciidan amniga magaalada ka wada qeyb qaataan inta shirka laga qabanayo iyo waqtiga ka horeeya.

Heshiiskaan ay garwadeenka ka aheyd Xukkumada ayaa la sheegayaa inuu kusoo aaday xili Raisul wasaare Abdiweli uu u anbabaxay shir looga hadlayo Amaanka Soomaaliya iyo sidii dib loogu dhisi lahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, shirkaas oo ka dhacaya dalka Britain (UK), Warar laga helay dad ku dhow xafiiska Raisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegaya in RW Abdiweli faray wasiirka arimaha gudaha in shirka dib loo dhiga ilaa 1-da October 2014 si Raisul wasaaraha iyo Wasiiradda kale ee shaqada ku maqan ugu suuragasho inay goob jog ahaadaan xiliga shirku u furmayo labada Kooxood. Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godax Bare ayaa la sheegayaa inuu ku wargeliyey Labada kooxood-ba dib u dhaca shirka iyo xiliga loo qabtay in shirku furmo oo ah 1-da October 2014.

Kooxda Ahmed Madoobe oo aan daneyneynin dib u heshiisiin loo sameeyo iyaga iyo Kooxda Col Barre, aadna u doonaysa in Raisul wasaaraha DF Soomaaliya laga dhigo Hussein Abdi Halane oo haatan ah wasiirka Maaliyada xukuumada Abdiweli oo ka faaiideysanaysa Khilaafka xargaha goostay ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay lasoo xiriireen Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Wasiirka Maaliyadda Hussein Abdi Halane iyaga oo ka codsaday Madaxweynaha inuu Kismaayo yimaado uuna u furo shirka Dib u heshiisiinta ay sida gaarka ah u wataan kooxda Ahmed Madoobe.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo sida la sheegay xaaladu ku xun tahay, dareemayana in awoodii iyo Maamulkii DF Soomaaliya uu gacanta u galay Raisul Wasaare Abdiweli iyo Xukuumadiisa, kana rajo dhigay inuu lasii shaqeeyo Raisul wasaare Abdiweli, haatana doonaya inuu rido RW Abdiweli kuna bedelo Siyaasiga Hussein Abdi Halane si uu garab siyaasadeed uga helo xildhibaanada Beesha Kablalax ee wata MKG ah ee Juba iyo Puntland ayaa si lama filaan ah u aqbalay qorshaha Kooxda Ahmad Madoobe sidaa daraadeedna uu Madaxweyne Hassan Sheikh u tagay Kismaayo, una furay shir labadii kooxood oo loo qaban lahaa midkood goob jog-ba ahayn.

Col Bare Hiiraale oo hogaaminaya koox kamid ah labada kooxood oo shirka dib u heshiisiinta loo qaban lahaa ayaa 15/09/2014 sheegay in Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godax Bare kusoo wargeliyey in shirka dib loo dhigay oo uu qabsoomi doono 1-da bisha October 2014, warkaan oo uusan beenin Wasiirka Arimaha gudaha Abdullahi Godax Bare.

Isku soo wada duube hadii aysan xukuumadda Soomaaliya ee uu gudoomiyo RW Abdiweli ka hadlin shirka qabyada ah oo ay furatay Koox kamid ah labadii kooxood oo isku khilaafsanaa MKG ah ee Juba ayaa arinta ka dhigaysa in heshiiskii ay goobjooga ka ahaayeen IGAD, UNSOM oo ay garwadeenka-na ka ahayd Xukuumadda RW Abdiweli ee uu Shir gudoominayeen xubnihii Golaha Wasiirada ee kala ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Abdullahi Godax Bare, Wasiirka Dastuurka Garsoorka iyo Cadaalada Md. Farah Abdulkadir iyo Wasiirka Maaliyada Dr Hussein Abdi Halane inuu gebi ahaanba ahaa mid lagu qiyaamayey Koocda Col Bare Hiiraale, Ujeedka laga lahaana uu ahaa kaliya uu ahaa in Col Bare Hiiraale laga soo bixiyo Tuulada Goobweyn oo dacalka ku haysa Kismaayo lana keeno Magaalada Muqdisho iyo in Ciidanka Col Bare Hiiraale la geeyo Kismaayo hubkana laga dhigo . Aimaha Noocaan oo kale ah iyo is jiid jiidka Madaxda Dawladda iyo indha ka laabashada beesha caalamka ayaa shacabka Soomaaliyeed gelinaya niyad jab iyo sida aan dawladnimada Soomaaliya loogu dooneyn inay caga dhigato.