Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay shabakada Caasimada Online ayaa sheegeysa in Xildhibaanada Mooshinka lagu ridaayo Ra’isul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed gudbiyay ay yihiin kuwa u badan Beelaha Hawiye iyo Dir, balse ay sidoo kale ku jiraan kuwa Daarood, kuwaas oo si cad u taageersan Madaxweyne Xassan Sheekh.
Caasimada Online, ayaa dadaal u gashay helida Xog rasmi ah oo ku saleysan Mooshinka, gaar ahaan xildhibaanada saxiixay tiradooda dhabta ah, tirad golaha wasiirada ee mooshinka saxiixday iyo ugu dambayntii Beelaha ay kasoo kala jeedan.
Xogtaani waxaa nala wadaagay Mas’uul sare oo katirsan Dowlada Somalia kaasi oo Jago culus ka haaya Xarunta Madaxtooyada Somalia, balse aan dooneyn in la magacaabo.
Mooshinka waxaa saxiixday 140 Xildhibaan oo isugu jiro xildhibaano caadi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Ra’isul wasaare Cabdi Wali Sheekh.
Haddaba qaabka ay Mooshinka u kala saxiixeen Beelaha Soomaaliyeed ayaa kala ah:-
Beesha Daarood: 25 xildhibaan
Beesha Hawiye: 30 xildhibaan
Beesha Direed: 30 xildhibaan
Beesha Dugil iyo Mirifle: 29 xildhibaan
Beesha shanaad: 26 xildhibaan
Sidoo kale, Xogta ay Caasimada Online heshay ayaa tibaaxeysa in tirada Wasiirada ee taageersan mooshinka ay yihiin 20 isugu jira wasiir iyo wasiiro ku xigeen.
Beesha Daarood: 1 wasiir
Beesha hawiye: 6 wasiiro iyo wasiirku xigeeno
Beesha Dir : 3 wasiir iyo ku xigeeno
Beesha Digil iyo Mirifle: 4 wasiir iyo ku xigeeno
Beesha shanaad: 6 wasiir iyo ku xigeeno
FG: Xusuusin tirada wasiiradu waxa ay isugu jiraan wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

