26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maxaadan ogeyn oo galabta ka dhacay magaalada MUQDISHO?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa waxa ay galabta toogasho ku dileen Haweeney la sheegay inay ka shaqeyn jirtay Xarunta Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Dilka haweeneydaasi ayaa waxaa fuliyay dhalinyaro tirro ahaan gaareysay ilaa Seddex kuwaasi oo watay Mooto laba lugaaley ah, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ahaa.

Dilka Haweeneydaani ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Maana-boolyo ee Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana goobta uu dilka ka dhacay ku sugnaa ciidamo Boolis ah oo aan ku dhiiran difaacida Haweeneydaasi.

Haweeneyda ayaa lagu magacaabi jiray Seynab Muxidiin waxaana jira warar sheegaya in dhowr jeer loo jeediyay hanjabaad hayeeshee maanta ay qadarta timid.

Dilka Haweeneydan ayaa waxuu qeyb ka noqonayaa Dilal dhowr ah oo maalmihii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan uga dhacayay qeybo ka mid ah Degmooyinka ku yalla Magaaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News