Puntland oo laba u kala go’day iyo deegaano hoostaga oo looga dhawaaqay maamul cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaano hoostaga Gobolka Bari, ayaa ku dhawaaqay maamul cusub oo lidi ku ah maamulka Puntland.

Maamulkaani cusub ayaa waxaa Madaxweyne looga dhigay Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax.

Maamulkaani cusub ayaa waxa uu la magac baxay Gobolada waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo Xaruntiisa ay noqoneyso Gobolka Sool.

Madaxweynaha maamulka cusub ayaa waxa uu deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sanaag, balse waxa uu iminka yahay mas’uul ku nool qurbaha waxaana xilkaasi la calmaday guddi lagu magacaabo ”Guddiga Siyaasada Gobolada Waqooyi Bari”, sida ay sheegtay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho

Kulanka lagu doortay Madaxweynahaani cusub ayaa waxa uu ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, waxaana isugu imaaday kulankaasi Wasiiro hore, Xildhibaano hore iyo Siyaasiyiin kale.

Deegaankaani looga dhawaaqay maamulka cusub ayaa waxa uu hoostagaa maamulka Puntland walow Puntland aysan wali ka hadal ku dhawaaqida maamulkaasi cusub ee ka go’ay Puntland inteeda kale.

Maamulkaani la magac baxay Gobolada waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa waxa uu ka talin doonaa Gobolada Sanaag, Heylaan, Sool iyo degmada Buuhoodle, kuwaas oo ah deegaano ay haatan kala maamulaan Puntland iyo Soomaaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha maamulkaani cusub Cali Axmed Faatax, ayaa ballanqaaday in maamulka uu la sinaan doono maamulada kale ee dalka ka jira waxa uuna ku dhawaaqay in maamulkaani uusan kamid aheyn Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com