Gaadiid dagaal oo lasoo dhoobay Hiiraan iyo dagaal laga cabsanayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in halkaasi uu ka taagan yahay xiisad u dhexeysa Guddoomiyihii hore ee Degmadaasi iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Qeybo kamid ah Degmada Buulobarde ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiid dagaal oo uu wato Guddoomiyihii degmadaasi Buuloburte ee xilka laga qaaday Cabdicasiis Ibraahim Duurow kuwaasi oo lagu daadiyay inta badan wadooyinka magaalada.

Gaadiidka qaar ayaa la dhigay Saldhiga weyn Degmada iyo dhammaan Xarumaha maamulka degmada, waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaq xoogan wada ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan kuwaasi oo kasoo horjeeda awood sheegashada Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmadaasi Buuloburte Cabdicasiis Ibraahim Duurow.

Guddoomiyaha Buuloburte ayaa hoosta ka xariiqay in aysan xilka wareejin doonin illaa Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay dalabkaas xil ka qaadista ula yimaadaan.

Waxaana wararku ay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Buuloburte kaliya aan la dooneyn in xil ka qaadis lagu sameeyay balse duqa degmadaasi Cismaan Geedi Cilmi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan arrintaasi ay u gaar tahay islamarkaana aysan Dowlada waxba kala socon.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xilkaasi la raba shaqsi kale waxaana arrintaani kasoo horjeeda Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmadaasi Buuloburte Cabdicasiis Ibraahim Duurow.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in labada dhinac ay ku dul dagaalamaan dadka deegaanka, waxaana Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ka socda Barakac xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com