25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Maxaa kusoo kordhay doorashada xubnaha aqalka Sare u matalaya Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida qorshaha uu ahaa waxaa maanta la filayay in magaalada Muqdisho ka bilaabato doorashada xildhibaanada aqalka sare ee Somaliland matalaya.

Doorashadaasi oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin xilal horey usoo qabtay iyo kuwo hadda haya ayaa la filayay iney maanta ka bilaabato magaalada Muqdisho.

Gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa sheegay in maanta wax doorasho ah aysan jirin, maadaama cidda qaadan karta go’aanka doorashada ay iyaga yihiin.

Xubno gudigaasi ka tirsan ayaana si cad u sheegay in maanta aysan jirin wax doorasho ah oo Muqdisho ka dhaceyso.

Gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed oo Somaliland matalaya ayaa maalmo ka hor shaaciyay ind oorashada maanta dhaceyso, balse waxaa muuqata in labada gudi ay isku khilaafsan yihiin arintan.

Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa waji kale u yeelay is qabqabsiga xubnaha aqalka sare ee Somaliland waxayna sheegeen iney ku qancayaan 18 xubnood in laga siiyaa aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News