27.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Maxaadan ogeyn oo kusoo kordhay xaalada Degmada Qandala?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online)-Dagmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacay dagaal aad u qaraaran oo u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Degmada Qandala, ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamada maamulka oo qeybo kala duwan leh waxaana halkaasi ka socda Howlgalo lagu xaqiijinaayo dadka deegaankaasi ku sugnaa inta ay maleeshiyada heysteen.

Ciidamada maamulka ayaa mid mid u baaraya guryaha ay degan yihiin dadka shacabka waxaana lasoo warinayaa in maleeshiyaadka Daacishta ay dhalinyaro aad u farabadan ka qorteen magaalada qadiimiga ah ee Qandala.

Maleeshiyada ayaa sidoo kale la sheegay in dadka deegaanka ay ka qaadan jireen lacago xoog ah oo ay ku dabari jireen nolol maalmeedkooda.

Ciidamada maamulka ayaa iminka fariisimo ka sameystay Degmada Qandala oo laga cabsi qabo in maleeshiyaadka Daacish ay mar kale kusoo laabtan.

Degmada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland ayaa iminka degan waxaana Degmada kusoo laabanaaya dadka deegaanka kuwooda barakacay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News