Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ee halkaasi ku sugan ay Jeelka dhigeen ilaa Seddex Odayaal la sheegay inay kamid ahaayen kuwa Degmadaasi.
Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaashaasi la xiray xili ay kasoo baxeen Kulan looga arrinsanaayay Khilaafka laba beel oo la Tilmaamay inay dhawaan halkaasi ku dagaalameen, iyadoona la dhigay Xabsi ay Ciidamadaasi ku leeyihiin dulleedka Gedo.
Odayaasha ayaa la sheegayaa in lagu eedeeyay Dambiyo la xiriira inay Ololinayeen Dagaalka u dhexeeya labada Beel, inkastoo dadka Deegaanka ay arrinkaasi beeniyeen.
Laba kamid ah Odayaasha la xiray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/raxmaan Nuur Ibraahin iyo Maxamed Axmed Samatar.
Sidoo kale, waxaa xarigaasi warbaahinta uga waramay Gudoomiyaha degmada Luuq Maxamed Xuseen Cusmaan oo sheegay in aanay wali ogeyn sababta ay Ciidamada Itoobiya u xireen labadan oday dhaqameed
Wuxuu sheegay inay baaritaano ku sameynayaan sababta ka dambeysay xarigooda, inkastoo uu ka cagajiiday in Odayaasha Xabsiga laga siidaayo, maadaama uu dhowr jeer digniino u diray, sida uu hadalka u dhigay
Arrinkaani ayaan aheyn markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Ethiopian-ka ah xiraan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada, waxaana horay u jirtay in degmada Luuq ay ku xir xireen saraakiil ciidan.
Waa qeyb ka mid ah gumeysiga aan cidna aysan ka hadleyn oo Ethiopia ay ka waddo gudaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

