Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay Amniga magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waxaana Ciidamo farabadan lagu arkayaa Waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.
Waddooyinka Ciidamada farahabadan lagu daadiyay ayaa waxaa kamid ah Wadada Makka Al-mukarama, Wadda wadnaha iyo Wadada Balaaksii ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Degmooyinka Ciidamada lagu arkaayo ayaa waxaa kamid ah Degmada Dayniile, Heliwaa, Yaaqshiid, Kaaraan iyo Hodan oo intabadan ay ka dhacaan falalka amni darro.
Ciidamada lagu daadiyay Degmooyinka iyo Laamiyada ayaa goobahooda ku sugnaan doono inta ay socdaan diyaar garowga doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Jeneraal Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliiska qeybta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Howlgalka socda lagu kala yareyn doono Kooxaha geysta falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Talaabadaani ayaa imaaneysa xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan shirar looga arrinsanaayo Amniga Magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

