Maxaan ka ognahay xaaladda dhaawacyadii Laascaanood ee la keenay MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ku dhaawacmay dagaalka Laascaanood ee dhawaan la keenay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa soo raysanaya, ayada oo lagu baxnaaniyo qaar kamid ah isbtilaada magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadan ayaa waxaa lagu soo qaaday diyaarad gaar ah oo dowladda federaalka ay u dirtay, waxaana qaar kamid ah dhaawacyadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ay sheegeen inay heleen adeeg caafimaad oo tayo leh, xaaladoodana ay aad usoo reysatay.

“Waxaa la iga keenay magaalada Laascaanood oo ku dhaawacmay, waxaa ka dhaawacmay labada miskooda, jajab iyo goo’go badan ayaa isoo gaaray. Isbitaal Madiino ayaa si fiican la igu shaqeeyay oo aad iyo aad ayaa la igu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Khaalid Cabdirashiid oo kamid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la keenay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Markii hore qof dhaawac ah oo xataa kici kareyn oo hadli kareyn ayaa ahaa himikana waad aragta waaniga hadlaya. Wax ehel ah halkan ima joogaan waxaa igu soo dhaweeyay walaalahay Soomaaliyeed, dhakhaatiirta iyo bulshada kala duwan ee reer Muqdisho aad iyo aad ayay u mahadsan-yihiin.”

Maxamed Faarax Ciise oo isaguna kamid ah dhaawaca laga keenay Laascaanood ayaa wax uu yiri “Halkan (Isbitaal Madiina) ayaa jooga aad ayaa u fiicanahay. Meeshu waa meel fiican oo hadda waa la isoo dhayay.”

Agaasimaha Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labadii asbuuc ee u dambeeyay ay qabteen dhaawacyo badan oo laga keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iskugu jiray kuwa fudud iyo kuwa culus.

“Waxaa aad noo soo gaarayay dhaawacyada ka imaanayay dagaalka ka socda Laascaanood, guud ahaan tirada nasoo gaartay waa 32, waxayna nasoo kala gaareen saddex mar oo kala duwan. Dhaawacyada kuwa fudud iyo kuwa xaaladooda liidatay ayey iskugy jireen, illaa haddana wax dhimasho ah ma jiraan.”

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu dhowr jeer diyaarado gargaar ah u dirtay magaalada Laascaanood, ayaa waxay hore u sheegtay in ay ka go’an tahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood ee dagaal kula jira xukuumadda Somaliland.