Gabar Somali ah oo si arxan darro ah loogu dilay Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil gabar Soomaaliyeed loogu geystay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caasho Abuukar Ibraahim, waxaana ay kamid ahed ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata gudaha waddankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka gabadhan uu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaas oo ay ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ka howlgala Qaahira.

Dilka aayaa ka dhacay guri ay marxuumadda ka daganeyd halkaasi, waxaana la sheegay in ceeji lagu dilay, kadibna biyo lagu dhex riday, taas oo xanuun ku reebtay ehellada.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-Faraj ee magaalada Muqdisho, isla-markaana ay horay uga soo baxday marxuumadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida gabadha.

Maamulka ayaa sheegay in marxuumad Caasho ay dalka Masar u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah.

“Bahda Al-Faraj oo isku duuban waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Qaraabada ay kabaxday  Drs Caasha Abuukar Ibraahim Hasan (Abuukar Dheere) oo ku geeriyootay wadanka Masar oo ay u joogtay diyaarinta Master caafimaad ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Iskuulka Al-faraj ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu maamulku alle uga barayey marxuumadda inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskeeda iyo qaraabadeeda.

“Waxaan Alle ugu baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Familka iyo qaraabada ay ka geeriyootayna Samir iyo iimaan Alle ka siyo. Iyada qabriga ilaah ha uga dhigo beer ka mid ah beeraha janada,” ayaa markae lagu yiri warsaxaafadeed ka Iskuulka Al-Faraj.

Ma’aha dilkii ugu horreeyay ee muwaadin Soomaaliyeed loogu geysto Masar, waxaana jira dhacdooyin hore oo ka dhacay dalkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan.