PUNTLAND oo sheegtay in amiirka Al-Shabaab uu arrin caafimaad u joogo Hargeysa

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka qayb-galay dood lagu qabtay Twitter Space ayaa eedeyn culus u jeediyay Somaliland, wuxuuna sheegay in ay si buuxdo u taageerto Al-Shabaab, isla-markaana ay gacan siiso.

Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab uu haatan xanuunsanayo, islamarkaana lagu daaweynayo magaalada Hargeysa sidoo kalena carruurta Al-Shabaab & qoysaskooda ay dagan yihiin gudaha magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sirdoonka Somaliland ay koonfurta usoo gudbiyeen Aadan Suni oo uu carabka ku dhuftay in la rabo in lagu beddalo hoggaamiyaha xanuunsan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda) oo isna horay u beddalay Axmed Godane.

“Hadda u dambeysee Aadan Suni Hargeysa ayey ka soo kaxeeyeen sirdoonkoodu illaa ay geeyeen Jilib, waxayna u wadaan in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu bedallo, ninka hadda xanuunsanayo ee Hargeysa jiifo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Al-Shabaab la sheegayaa waa xukuumadihii Somaliland ee kala dambeeyay weeye sidiisaba ee Soomaaliya ka jira”.

Caydiid oo sii hadlaya ayaa ku baaqay in lala dagaalamo xukuumadda Somaliland, isla-markaana go’doon lagu galiyo Hargeysa, isagoo sheegay la waayi doono Al-Shabaab.

“Haddii xukuumaddan lasoo afjaro oo lagu soo oodo inta ay Isaaq dagan yahay waxaan kuu caddeynayaa in Al-Shabaab la waayi doono”

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay 82 akoon uga furan tahay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, isla-markaana ay ugu soo dhacaan lacagaha ugu badan.

“Akoonada marka la baarayay ee Al-Shabaab wax loo mariyo waxaa la helay 82 akoon oo Hargeysa ka furan oo ah kuwa ugu badan ee ay lacagta u marto,” ayuu markale yiri.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland, balse eedeyntan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo horey xukuumadda Hargeysa ay u sheegtay Puntland iyo Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.