Wararkii ugu dambeeyay dagaal dib uga billowday magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay maalintii 15-aad oo xiriir ah.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerar ay ciidanka milariga Somaliland ku qaadeen saldhig ay ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin  banaanka degmada.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay haatan isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socota duqeyn xoogan, ayada oo ciidamada Somaliland lagu eedeeyay inay weli madaafiic ku ridayaan Laascaanood taas oo uga sii dareysa xaalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga bilowday halkaasi

Ma cadda khasaaraha uu geystay dagaalka haatan socdo, waxaase lasoo wariyay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.