Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi, wuxuuna ku qarxay Isbitaalka Aadan Cadde, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ma cadda shaqsiga wadatay gaariga lala bartilmaameedsaday qaraxa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiray waddadaasi.

Ugu yaraan hal qof aya ku dhaawacmay qaraxan, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray baabuurka lagu xiran miinada, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha dhaawaca iyo buburka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada laami yaraha Zoobe oo ay ku yaallaan xarumo hay’adeed, isbitaallo & jaamacado.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogleh soo saartay caasimada, markii lagu jabiyay inta badan dagaallada culus ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.