BF Somalia oo la horgeeyay Mooshin culus + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta qabtay mooshin culus oo ku saabsan xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay illaa 28 mudane, kuwaas oo dalbaday in ajendaha maanta lagu soo daro kulankooda, kaas oo ay xildhibaanada kale u codeeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo qabtay mooshinkan ayaa ka hadlay, waxaana golaha lala wadaagay warbixin guud.

“Xildhibaano gaaraya 28 ayaa waxay inoo soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in ajendaha lagu daro warbixin ku saabsan magaalada Laascaanood,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe oo ka hadlayay xaaladda Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay inuu la socdo dhibaatada ka jirta gudaha magaaladaasi, isla-markaana uu ka xun yahay.

“Meeshaas inuu dhib yaallo ayaan ognahay waana ka xunahay dagaal walaalo dhex maraya ayaa meeshaas ka taagan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

Intaas kadib xildhibaanada Baarlamanaanka Soomaaliya ayaa ka dooday mooshinkan, waxayna badankood cabmbaareeyeen xukuumadda Somaliland.

Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in gumaadka lagu hayo shacabka Laascaanood uu mas’uuliyadeeda qaadayo Muuse Biixi.

“Dadkii halkaa ku dhintay ama ku dhaawacmay lambarkooda oo tiro badan waxaa qirtay oo sheegay inuu laayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,” ayuu yiri xildhibaan Bidhaan.

Sidoo kale Xildhibaan Sadad Maxamed Nuur oo ka hadlay mooshinkan loo gudbiyay Golaha ayaa sheegay in dhibaatada Laascaanood ay keentay dadkii laga soo raafay magaaladaas.

Waxa kale oo uu ku baaqay in si deg-deg ah loogu gurmado dadka shacabka ah ee ay dhibaatada kasoo gaartay dagaallada ka socda halkaasi.

“Runtii dhibka Laascaanood wuxuu ka soo billowday dadkii laga ay soo raaftay Somaliland, runtii Laascaanood dhibaa ka jira ee haloo gurmado” ayuu yiri xildhibaan Sadad Maxamed

Dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay maalintii 15-aad, waxaana ka dhashay khasaare xoogle, waxaana dagaalka barbar socda duqeyn lagu garaacayo magaalada.