Maxaan kala kulmay Muqdisho?

November 6, 2024 ayaan gaaray Muqdisho oo aan moogaa laba sano iyo bar. Waxaan u tagey in aan ka qaybgalo Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho. Bandhiggaan oo ahaa midkii 8aad ee caasimaddeenna ka dhaco, ayaan markii koowaad ka qaybgalay. Waxaan halkaas la tagey buuggayga aan weli gu’ jirsan ee Halgankii Gunnimadoonka. 

Wuxuu ahaa safar macna weyn ii lahaa. Casuumaadda, madasha, maqaamka iyo miisaanka dadka aan halkaas kula kulmay ayaa dhammaan igu cusbaa. Munaasabaddu waxa ay socotay laba cisho.

Waxaa raacay maalin kale oo soo xirid ah. Waxay se ahayd mid ka miisaan iyo mug weyn inta noo muuqatay. Hoos waxa aan ku soo koobayaa muhiimadda munaasabaddu noo lahayd iyo wixii ii baxay intii aan Xamar joogay. 

Muqdisho Book Faire (MBF)

Dunida caadiga ah waxaa ka jira wadiiqooyin badan oo qoraaga saacida. Markii uu buugga qoro wuxuu heli karaa dillaal (agent). Dillaalka ayaa raadiya daabaacad aqbasha buugga. Markii la helo cid aqbasha, daabacaadda, suuqgeynta, xayaysiinya iyo iibinta intaba shirkaddaas ayaa dusha saarata. Waxaa kaloo jira hay’ado ka shaqeeya qiimaynta buugaagta kuwaas oo bixiya abaalmarinno kala jaad ah. Buuggii aan abaal marin helin, qorihiisu waxa uu ogyahay halka uu buuggiisu galay.

Taas oo u oggolaanaysa in uu ku dedaalo hagaajinta buugtiisa mustaqbalka. Idaacadaha iyo joornaallada ayaa leh barnaamijyo looga hadlo buugta. Buugta soo baxda ayaa lagu falanqeeyaa. Qoraha ayaa la wareystaa, dad soo akhriyay ayaa la casuumaa dad weynahaba waxaa la gaarsiiyaa farriinta buuggu sido taas oo horseedda in buuggu caanbaxo. 

Qoraha Soomaaliyeed ma helo inantaas aan soo sheegnay midkoodna. Isagaa buugga qora, jeebkiisa ka daabaco, suuqgeeyo oo hadba meel u diyaarad ula raaco si ugu bandhigo Soomaali iibsata. Isaga oo intaas oo dhib ah maray ayay dhacdaa inta badan in aan laga iibsan wax qayb uun ka daboola lacagtii gashay iskaba daa waqtigii uga baxay e. 

MBF waxay buuxisay kaalin culeyska qayb ka qaadda qorayaasha Soomaaliyeed. Intii nasiib u yeelata in lagu casuumo, waxaa la dareensiiyaa qiimaha uu bulshada ugu fadhiyo. Waxaa laga yaabaa in aan laga iibsan wax badan buuggiisa laakiin waxa u ogaadaa in buuggiisu yahay sababta uu maanlintaas ku helay maqaamka iyo maamuuska la siiyay.

Sidoo kale waxaa uu bartaa jaalkiisa iyo jaahyo kale oo uusan si kale ku arkeen. Waa dhiirrigelin weyn oo maanta wax loo dhigaa aysan dalkeenna ka jirin. Gallad iyo manno ayay nagu leeyihiin dadkii hindisay, kuwa maalgeliya iyo inta ka shaqaysa. 

Ammaanka caasimadda

Safarkani wuxuu ahaa midkii saddexaad ee aan ku tago Xamar. Kan koowaad wuxuu ahaa 2009-kii. Wuxuu ahaa waqti naar la iska waraabinayay dunida oo dhanna ay xooggeeda isugu geynaysay in aan dowladda laga qabsan madaxtooyada. Meel kale oo gacan ugu jirtay ma jirin. Waa mugdi Eebbe na mootiyay!

Safarkii kaas iigu xigay waxa uu ahaa dhammaadkii Feebbaraayo 2022-kii. Dabcan farqi weyn ayaa u dhaxeeyay 2009-kii iyo 2022-kii. Laakiin waxaa lagu jirey diyaargarow doorasho. Cabsi badan ayaa jirtay. Hasa-ahaatee wax badan oo aan la argagaxo ma arag. Meeshii aan doono ayaan bajaaj u raacay inta dowladdu xiratay markii laga reebo. 

Markii saddexaad waa Nofember 2024. Laba sano iyo bar ka dib iima muuqan wax horumar ah oo laga sameeyay ammaanka. Jidadku sidii ayay u xiranyihiin. Qaraxyadu waa yaraadeen laakiin cabsidii laga qabay ma yaraan. Huteel walba iyo maqaayad walba illinkeeda dadbaa qoryo la taagan baaritaan ayaadna mari. Waxaad dareemaysaa in aad ku nooshahay xaalad colaadeed. Dabcan horumar waa jiraa laakiin waa mid gaabis ah oo aan cudurdaar lahayn. 

Dhaqaalaha

Waxaa si weyn suuqa ugu jirtay in dalkii ‘shiid’ ka dhacay. Shaaha lama shubto, qax ayaa socda, lama qadeeyo iyo erayo kala jaad ah oo dhammaan lagu cabbirayo lacag la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ayaa haystay baraha bulshada.

Aniga oo taa maanka ku haya ayaan tagey Muqdisho. Dabcan ma haysan waqti aan ku qiimeeyo baahida rasmiga ah ee jirta. Sidoo kale, ma wada tagin xaafadaha magaalada, gaar ahaan meelaha sida rasmiga looga ogaan karay xaddiga baahida jirta. 

Jidka Maka-Al-Mukarrama waa mid ka soocan dalka intiisa kale. Waxaa yaalla sicirkoodu wuxuu la socdaa dunida Galbeedka. Shay walba waa qaali. Dukaan qamiisyada gado ayaan galay. Waxaan weydiiyay qiimaha koofiyadda siyaasiyiinta (dadka qaar ayaa u yaqaan koofiyadda sheekh Shariif. Dhinaca Shabaab waxaa looga yaqaan koofiyadda riddada).

Wuxuu igu yiri waa boqol iyo totobaatan doollar ($170). Waa anfariiray. Anoo madaxa haysta ayaan iri oo ma dadbaa intaas ka bixiya? Wuxuu igu yirii wiilkii dukaanka joogay “waxaaba naga dhammaaday kuwii laba boqol iyo afartanka ahaa ($240). 

Dharku waa wadaa sidaa. Macawisuhu $50 ayay ka kacaan qaar ayaana $100 kor u dhaafa. Khamiisyada, shaatiyada iyo cimaamadaha qiimahooda waa mid waalli ah. Suudadka iyo labbiska siyaasisyiinta iyagu caqligu ma suureysan karo. 

Maqaayadaha waxa yaalla shaaha ayaa ugu raqiisan. Isaguna waa doollar iyo bar. Maqaayad walba dad ku filan ayaa fadhiya. Shaaha, kafeega iyo cunto intaba waa socdaan. 

Markii aad waxaas ku dhex jirto dareemi maysid lacag la’aanta la sheegayo. Dunida caadiga ah markii ay ku dhacdo la’aan waxa ugu horreeya ee ay jaraan waa faakihaysiga sida kafeega maqaayadaha iyo shaaha sheekada loo iibsado. Muqdisho waxa ugu badan ee suuqa leh waa intii la jari lahaa haddii ay lacag la’aani dhacdo.

Haddaba sidee wax u jiraan? Haddaan dhuuxay sida wax u dhacayaan waxaa ii soo baxay dhowr arrimood oo is biirsaday. Kow, dadku wuxuu ku mammay lacag badan. Si lagu helayba kooxda yar ee jidkaan awooddo awal waxay heli jireen lacag waalli ah. Middii noocaas ahayd ayaa yaraatay sidaas ayaana keentay sheegashada.

Laba, heerka nolosha ee dadkeennu raadinayo oo aan suuragal ka ahayn dal sabool ah. Dadkeennu wuxuu rabaa inuu helo dhammaan tashiilaadka laga isticmaalo dunida qaniga ah isaga oo sabool ah. Taasi waxay keentay in qofku u hanqaltaago wax uusan awoodin oo weliba uu ka maarmo. 

Saddex, dadka oo aan aqoon kala horumarinta baahiyaha (priorities). Tusaale ahaan, waxaa dhici karta qof laba doollar haysta oo gaajaysan in uu doorto inuu shaah uga cabbo maqaayad qaali ah halkii uu labadaas doollar la aadi lahaa  meel uu kaga cuno wax uu awoodo oo gaajada ka bi’iya. In uu baahi ku seexdo laakiin loo arko nin jeeb weyn oo maqaayad qaali ah ka shaaha ayuu doortay haddana waxaa uu ka sheeganayaa lacag la’aan, busaarad iyo shaqo la’aan.

Shaki ma leh in dalka ay ka jirto shaqa la’aan baahsan, dhallinyaradu quus joogto, masaakiintu mashaqaysantahay. Hasa ahaatee sawirka yaalla Maka-Al-Mukarrama ma aha mid muujinaya baahida baahsan ee dalka ka jirta markii laga reebo dadka tuugsada ee dariiqyada dhooban. Waxay u muuqataa in dhaqaalihii dalka oo dhan uu gacanta ugu jiro tira yar oo isku aag ku nool!

Waxbarashada

Waxaa muuqata in baraarugga waxbarashada iyo akhriksu si fiican kor ugu socdaan. Madasha buugaagta lagu soo bandhigay dadka yimid waxa ay ahaayeen dhallinyaro aad u da’ yar. Wax kale oo dan ah halkaas ma keenin e buugaagta la jabiyay in ay iibsadaan ayay u yimaadeen.

Waxaa dareen gaar ah ii lahaa in aan la kulmay tira aad uga  badan intaan filayay oo igu tiri “waxa aan akhrinnay buuggaada”. Dadkaasu waa da’ yar aan is iri waa labaatan iyo wixii ka hooseeya da’ ahaan. 

Waxa jira madallo tira badan oo qabta kulamo joogta ah. Qaar waa kuwo siyaasadda keliya looga doodo qaarna waa bun iyo buug. Waxa aan tagay mid ka mid ah oo habeenkaas lagu lafagurayay doorashada Soomaalilaan. Waxaa si gaar ah i cajab geliyay joogtaynta kulankaas oo dhaca asbuuc walba mar muddo laba sana ah. 

Xogaha aan kala baxay iskoolleyda aan la sheekaystay iyo ardayda jaamacadaha, waxaa jira dedaal lagu hagaajinayo tayada waxbarashada.

Ugu danbayn, safarkaygu waxa uu ahaa mid abshir iyo najax ah. Waxaa ii suuragashay in aan la kulmo walaalo badan oo dunta isku kaaya xirta ay tahay buug iyo akhris.

Waxaa soo bartay maqaawiir dalkeenna muhiim ah, dhallinyaro u heellan noolaynta akhriska iyo qoraalka iyo shacab u oomman horumar. Dalkeenna Allaha noo hagaajiyo!

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com