Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Sabti ah ku geeriyoodey isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa Maxamed Axmed Kuluc oo si weyn looga dhex yaqaaney fanaaniinta Soomaaliyeed. Al-Fanaan Kuluc ayaa muddooyinkii danbe ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa.
Geerida Maxamed Axmed Kuluc waxaa warbaahinta ua xaqiijiyey qaar kamid ah ehelkiisi.
Maxamed Axmed Kuluc wuxuu bilabay fanka isagoo yar waxayna haayd sanadi kii 1954 kii wuxuuna ka bilabay kooxihii fanka ee waqoyiga halkaas oo uu ku soo barbaray garhaan maglada Hargaysa..
Kuluc wuxuu ka mid ahaa fanaaniinta caanka ah ee sida aadka ah loo jecelyahay. Wuxuu ka qayb galay riwaayado iyo barnaamijyo farabadan oo maaha wax tiro lagu gaadhi karo, wuxuuna ka mid ahaa asaasyaashii fanka Soomaaliyeed.
Rabbi ha u naxariistee waxa uu ifka uga tegey caruur badan iyo xaas. Inaa Lillaah waa Inaa Ilayhi Raajicuun
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com