Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakada Caasimada Online, ayaa heshay Warqadii Ra’isul wasaaraha dalka uu BF uga sheegay dib ula laabashada Xukuumadii uu maalmo ka hor ku dhawaaqay.
Warqadaani ayaa waxa uu Ra’isul wasaaraha uga codsanaayay Xildhibaanada BF Somalia inay muddo kooban siiyaan si uu ula imaado xukuumad ka tayo roon tan iminka ku gacanseertay kalsoonida BF.
Ra’isul wasaaraha dalka oo ay Caqabado badan ka heystaan dhanka Xildhibaanada ayaa waxaa hadda laga sugayaa inuu dib usoo dhiso xukuumad cusub.
190 Xildhibaano, ayaa waxay taageertay go’aanka uu Ra’iisal Wasaaraha ku kala diray Golihiisii Wasiirada, iyadoo 10 ay diiday, halka 2 kalana ay ka aamustay, wuxuuna kooromka Baarlamaanka ku furmay 202 Xildhibaano.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu ku dhawaaqay go’aanka ay gaareen Xildhibaanada BF.
Gudoomiyaha, ayaa wuxuu kaloo sheegay in Ra’iisal wasaaraha la siiyay muddo 14 maalmood ah, oo uu ku soo dhisaayo Golaha Wasiirada, isagoona intaa ku daray in Baarlamaanka uu fadhigiisu xirmi lahaa 22-ka bishaan balse ay sii shaqayn doonaan ilaa 5-ta bisha Febraayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

