Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan DF Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanada BF, gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda Ansixinta ay calaamado gaduudan dul dhigeen afar wasiir oo ka tirsan Xukuumadii uu kala diray Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Xildhibaanada ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha ay u gudbiyeen warqado ay ku dulqornaayen in marnaba aysan aqbali doonin in Ra’isul wasaare Cumar uu BF la hor imaado Liis ay ku jiraan Faarax C/qaadir, C/llahi Sambaloolshe, Xuseen Cabdi Xalane iyo C/kariin Guulleed.
Xildhibaanada ayaa waxa ay afartaas magac u gudbiyeen CCC, iyagoona kaga digay inuu ku adkeysto in Seddexdaasi ruux uu kusoo daro xukuumad waliba uu isaga hogaaminaayo, maadaama ay ku fashilmeen xilalkii ay hayen.
Iyaga oo hadalo kooban halkaasi ka jeedinaayay ayaa waxa ay sheegen in Ujeedku yahay in shaqsiyaadka ku jira Xukuumada ee ku fashilmay wasaaradihii hore ay u hayeen aysan dib usoo laaban.
Inta ay afartaas Wasiir kamid yihiin Xukuumada Ra’isul wasaare Sharmaarke, ayey sheegen in iyaguna aysan joojin doonin is hortaaga Xukuumada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

