27.9 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Xildhibaanada BF oo fursad kale siiyay R/W CC iyo maalmaha loo qabtay oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay warqada kala derista xukuumadii uusoo dhisay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaanada oo badankood kasoo horjeeday golahii wasiirada ayaa la sheegay inay dood dheer maanta ka yeesheen warqada kala deriska golaha wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warqadan xalay u gudbiyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maanta loo qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo hadda kus ugan hoolka baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in xildhibaanada ay siiyeen ra’iisul wasaaraha fursad 14 maalin ah oo uu kusoo dhiso xukuumad cusub.

Xildhibaanada waxay sheegeen in golaha wasiirada cusub la doonayo in lagu soo dhiso muddada loo qabtay ra’iisul wasaaraha kadibna baarlamaanka la horkeeno.

La soco waxii soo kordhaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News