30.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Maxamed Cabdi Waare Oo Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabelle ayaa yeeshay madaxweyne rasmi ah kadib doorasho saakay ka dhacday Jowhar oo ay ku tartameyn ilaa 8 Musharax.

Doorashada oo ahayd mid adag ayaa gaartay illaa Wareegga Seddaxaad, waxaana wareegaasi isugu soo haray Maxamed Cabdi Waare oo helay 75 cod iyo sidoo  kale Daahir Cabdulle Cawaale oo isna helay 22 cod.

Guddoonka baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhowaaqay natiijada, iyadoo durba ay bilaabatay u hambalyeenta madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.

Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore la tartamay Madaxweynihi xilka laga qaaday Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegii labaad kula tartamay Daahir Cabdulle Cawaale, waxaana muuqato inuu codad badan ku horeeyo Waare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha, waxaa Madaxweynaha cusub isku gadaamay Ciidamada AMISOM si ay u sugaan ammaankiisa.

14-kii August 2017, xildhibaannada Hirshabelle ayaa xilkii ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyeen inaanu waajibaadkiisa gudan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News